Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex oo kormeer xaqiiqo-raadin ah ku tegay Degmada Dacarta

0
550

Hargeysa(Dawan)-Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban Isuduweyaasha Wasaaraddaha dawladda qaarkood, ayaa kormeer xaqiiqo raadin ah ku tegay Degmada Dacarta oo kamida degmooyinka Gobolka hoos yimaada.

Masuuliyiinta ayaa u kuurgalay xaalada nololeed, dhaqan-dhaqaale iyo baahiyaha ka jira degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Dacarta Axmed Aw Xuseen Fure oo weftiga ku soo dhaweeyey xarunta degmadaasi, ayaa uga waramay xaalada nabad-gelyada, arrimaha bulshada iyo dhinaca horumarka.

Guddoomiye Furre waxa uu sheegay inay degmadu xagga nabadgelyada, caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha aad uga fiican tahay, hase yeeshee ay ka jirto xaalad biyo-yaraaneed oo saameynteeda leh.
“Degmadu waa nabad-gelyo, wuxuunbaa ugu daran hadda oo xaalada Biyaha oo aad u yar”ayuu yidhi Guddoomiyaha degmada Dacarta Axmed Aw Xuseen Furre.

Maxamed Cilmi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo isaguna ka hadlay kormeerkiisa, ayaa tilmaamay inuu qayb ka yahay u-kuurgal la xidhiidha xaalada degmooyinka gobolka, si ay u koobaan baahiyaha bulshada iyo horumarka laga fuliyey.
“Kormeerkayagu waa xog uruurin. waxaanu u kuurgelaynaa degmooyinku dhibaatooyinka ay qabaan, hadday tahay dhinaca caafimaadka, deegaanka, caafimaadka, biyaha iyo dhinac walba. waxaana ila socda isuduweyaashii gobolka oo dhan”ayuu yidhi.
Dhinaca kale isuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Maroodi-jeex oo wefti la socday ayaa xarunta Caafimaadka Magaalada Dacarta ku wareejiyey shixnad caafimaad oo ay wasaaraddu ugu talogashay xaruntaasi.

 

Leave a Reply