Golaha Degaanka Buuhoodle Oo Ansixiyay Xeer Hoosaadkoodda iyo Miisaaniyad Sanadeedka 2022-ka

0
330

Qorilugud (Dawan): Kal-fadhigii labaad ee golaha deegaanka degmadda Buuhoodle ayaa shalay si rasmiya loogu soo gebagabeeyay xarunta dawladda hoose ee degmadda Qorilugud, oo ka tirsan isla gobolka Buuhoodle.

Waxaana kal-fadhigaasi shir-guddoominayay maayarka Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, waxaana soo xaadiray 11-ka mudane ee uu golaha deegaanka Buuhoodle ka kooban yahay.

Sidoo kale waxaa kal-fadhigaasi lagu ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2022-ka ee golahaasi, iyo sidoo kale xeer hoosaadka deegaanka Buuhoodle uu ku shaqayn doonno.

Waxa kaloo xidhitaanka fadhigaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Cumar Faarax (Jar-kunaban), taliyaha qaybta booliska gobolka Buuhoodle, iyo masuuliyiin kale.

Maayarka degmadda Buuhoodle, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka Buuhoodle marwo Khadiija Axmed Aadan, ayaa soo dhawaysay ansixinta xeerka, xeer 23aad, ee ay isku dhiqi doonaan golaha na ay ku hogaamin doonta, isla markaana maamul daadejin ay bulshadoodda ugu addeegi lahaayeen ay ku soo saari lahaayeen.

Maayarka oo kal-fadhigaasi markii ay soo xidhay hadal ka jeediyay, waxay tidhi “Maanta (shalay), waxaa inoo soo dhamaaday kal-fadhigeenii, aynu ku ansixinaynay qodobadii iyo xeerkii 23-aad, ee aynu isku dhiqi lahayn, golahana ayu ku hogaamin lahayn, maamul daadejin aynu bulshadda ugu addeegno na aynu ka soo saari lahayn”.

Sidoo kale maayarka Buuhoodle, ayaa u mahad celisay guddoomiyaha degmadda Qorilugud Maxamed Cumar Faarax (Jar-kunaban), oo ay sheegtay inuu tan iyo markii golaha cusub la doortay la garab taagnaa dhiiri gelin iyo sidii ay golaha deegaanka Buuhoodle shaqadoodda u gudan lahaayeen.

“Waxaan u mahad celinayaa maayarka Qoriligud Maxamed Cumar Faarax (Jar-kunaban), oo min bilawgii iyo ilaa iyo hadda, ilaa maalintii golahani la doortay ilaa iyo hadda, nala garab taagan idi-diilo iyo sidii aanu horumar u samayn lahayn, ee aanu u hagaagi lahayn, aad baan ugu mahad celinayaa”ayya tidhi maayarka Buuhoodle.

Dhinaca kale waxaa iyadgna halkaasi ka hadlay maayarka Qorilugud, Maxamed Cumar Faarax (Jar-kunaban), iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Buuhoodle, kuwaasoo dhamaantood ba soo dhaweeyay in la ansixiyo miisaaniyadda golahaasi, iyo xeerarka uu ku shaqayn doono.

 

 

Leave a Reply