Maareeyaha Telefiishinka Qaranka oo Been-abuur ku Tilmaamay War lagu Baahiyay Bogga Golaha Wakiillada

0
506

Hargeysa (Dawan)- Maareeyaha Guud ee Talafeeshinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Cismaan Maxamed ayaa Beeniyey in telefiishanka qaranku raali-gelin siiyey Golaha Wakiiladda, kadib markii warkaasi la soo geliyay bogga rasmiga ah ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay mareegta Internetka.

Maareeye Cabdirisaaq Cismaan ayaa arrintaasi ku tilmaamay been abuur cad, waxaanu sheegay in aanay jirin raali-gelin uu bixiytay iyo meel uu ku bixiyay toona, iyada oo aanay jirin sabab uu raali-gelin u bixiyo, isla markaana cidda gefka samaysay ay tahay Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdirisaaq Cismaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ma jirto meel aan raali-gelin ku bixiyay, mana jirto sabab aannu u bixino. Cidda gefka samaysay waa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan cidda bixisay amarka sharci-darrada ah ee golaha wakiillada lagaga saaray wariyayaasha iyo hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka Somaliland ee warka ka duubayay Golaha.”

Maareeyaha Guud ee Talafeeshinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Cismaan Maxamed, waxa uu intaasi raaciyay “Hawsha iyo shaqada aanu Golaha wakiillada ka qabanaynay-na mahaa mid aannu cid uga daba-fadhino ee waa waajib Qaran oo na saran.”

“Arintana xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Ayaanle waanu ka wada hadalnay khilaafkana waannu dhamaynay, balsae Page-ka Golaha wakiillada waa ku ceeb in war been abuur ah oo sidan oo kale ah in lagu baahiyo” ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Talafeeshinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Cismaan Axmed.

Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mareegtooda Internetka ee Facebook-ga soo dhigay war ku saabsan in maareeyaha Telefiishanka qaranka Somaliland Cabdirisaaq Cismaan uu raarligelin siiyay golahaas, waxaanu u qornaa sidan “Masuuliyiinta Telefishanka Qaranka JSL ayaa Raali-gelin ka bixiyey aflagaadadii iyo eedaymihii ay Golaha Madaxdiisa iyo xildhibaanada ka baahiyeen iyo Golaha oo ka aqbalay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Cabdirisaaq Siciid Ayaanle iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka Cabdirisaaq Cismaan oo labada Hay’adood metelayay ayaa warbaahinta la haďlay markay shirkooda dhamaysteen.”

Haddaba muuqaalka iyo hadalada shirka jaraa’id ee ay wada-jirka u qabteen Maareeyaha guud ee telefiishanka qaranka Somaliland iyo xoghayaha guud ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Ayaanle, ayaanay ka muuqan wax raali-gelin ah oo uu bixiyay maareeyaha Telefiishanka qaranka Somaliland.

 

 

Leave a Reply