Gobollada Somaliland oo si Weyn looga soo Dhaweeyay Go’aankii Furista Urrurada Siyaasadda

0
504

Hargeysa (Dawan) Waxgaradka Cuqaasha, Waayeelka iyo Siyaasiyiinta Goballada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyay go’aankii Xukuumadda Somaliland ay furtay urrurada siyaasadda dalka, kuwaasi oo madaxweyne Muuse Biici Cabdi ku boogaadiyay go’aankaas.

Shacabka qaybihiisa kala duwan oo ka hadlay guud ahaan Goballada dalka, gaar ahaan gobollada Sool, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag ayaa waxa ay soo dhaweeyeen furista Ururada Siyaasada, waxaana ay ku tilmaameen in furista Ururada Siyaasada iyo Axsaabta qaranku tahay arin sharciya oo in muddo ah la sugayay.

Sidoo kale, waxay tallaabadaasi ku bogaadiyeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd mudane Muuse Biici Cabdi iyo xukuudda uu gadhwadeenka ka yahay, iyaga oo tilmaamay in uu qaaday go’aan geesinimo leh isla markaana ay si weyn u naawilayeen bulshada reer Somaliland.

Waxgaradkan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in furista Ururada Siyaasada dalku ay tahay tallaabo hore loo qaaday, isla markaana ah fursad weyn oo ay heleen bulshada reer Somaliland oo ay kaga qaybgelayaan Siyaasada, Sidoo kale Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii dalka soo maray ayaa waxa ay taageero buuxda u muujiyeen furista Ururada Siyaasada, kuwaasi oo tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay furtaan Ururada Siyaasada oo baahi weyn ay u qabeen furistooda, madaama toban sanno la sugayay arrintaas, isla markaana intaa wax ka sii badan aan la sugi karin.

Dhinaca kale, shacabka reer Somaliland waxa ay taageero weyn u muujiyeen Xildbibaanada Golaha Wakiilada ee mooshinka ka keenay in uu dhaqan-gal yahay Xeerka furista Ururada Siyaasada.

Salaadiinta, odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Awdal oo magaalada Boorame ku qabtay shir jaraa’id oo ay taageeray go’aankii xukuumaddas ee furista ururrada siyaasadda, ayaa sheegay inay dhammaadeen tobankii sanno ee uu jidaynayay sharcigu inay jiraan xisbiyada siyaasadeed, islmarkaana la furo ururrada siyaasadda, waxaanay tilmaameen in ay xukuumadda ku raacsan yihiin in la furo ururrada siyaasadda, isla markaana ay rajaynayaan in bulshada ku dhaqan gobolka Awdal ay helaan metalaad xisbi.

Waxgaradku waxay intaas ku dareen in furista urrarada siyaasadeed ay xoojinayso hannaanka xisbiyada badan, oo Somaliland ay qaadatay, isla markaana ay dhiig cusub gelinayso dimuqraadiaydda Somaliland, oo soddon sannadood maraysa hadda.

 

Leave a Reply