Guddida hawlaha guud, Tiknoolajiyadda, guryeynta iyo  dhulka oo Booqday Madaarka Cigaal

0
668

Hargeysa (Dawan) — Guddida hawlaha guud, tiknoolajiyadda, guryeynta iyo  dhulka ayaa maanta waxa ay Kormeer indho indhayn ah ku  tageen hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland.

Waxaana guddida   soo dhaweeyay maareeyaha, hay’adda madaarada, isla markaana faahfaahin ka siiyay shaqada ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale guddida ayaa su’aalo kala duwan maareeyaha  ka waydiiyey hawlaha shaqo ee hay’addoodu Qaranka u hayso, waxaanu mid mid uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.

Dhanka kale waxa ay   guddidu soo kormeereen qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyada oo halkaasi uu   ku soo dhaweeyay maamulaha madaarku, isla markaasna guddida soo tusay qaybaha kala duwan ee garoonka iyo qaybkastaaba shaqada ay bulshada iyo Qarankaba u hayso.

Leave a Reply