Shil dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay galbeedka Hargaysa

0
374

Hargeysa (Dawan) Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku dhintay saddex kalena, way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay degaanka  Arabsiyo oo dhanka  galbeed ka xiga  magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Waxaana sidan lagu sheegay ayaa  qoraal lagu baahiyay barta xidhiidhka bulshada Facebook ee ciidanka dab-damiska.

Waxaana lagu yidhi.”Ciidanka dab-demiska Gabiley iyo cisbitaalka weyn ee Gabiley ayaa gurmad deg’deg ah goobtaa ku gaadhay, waxaana maydkii iyo dhaawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka Gabiley.

Gaadhiga shilka galay ayaa noociisu ahaa gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Vitz”

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in ciidanku ay saddexda qof ee dhaawacmay oo meelo badan dhaawacyo ka qabay, ay gaadhsiiyeen isbitaalka wayn ee Gabilay halkaas oo hadda lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Ciidamada booliiska ayaa baadhis ku haya sababta shilka dhalisay.

Leave a Reply