Mujaahid Axmed Mire oo Dar- daaran u Jeediyay Bulshadda

0
346

Berbera (Dawan)- Mujaahid Axmed Mirre Nuur, ayaa wax aad loogu farxo ku tilmaamay marxaladda uu maanta
marayo waddanka Somaliland marka laga eeggo horumarka laga gaadhay dhismaha dawladnimadda iyo nabad
geliyada ba.
Waxaanu sheegay in dhib aad u weyn loo soo maray dhismaha dawladnimada iyo helitaanka qaranimadda
Somaliland sidaas darteedna uu qof walba waajib ka saarran yahay ilaalinta wada jirka ummada iyo horumarinta
dawladnimadda.
Axmed Mirre, ayaa ku baaqay in bulshadda reer Somaliland ay mar kastaba ku dedaalaan ilaalinta danta guud ee
qaranimadda gaar ahaana dhalinyarada oo ah mustaqbalkii dalka, isla markaana haddii dalku uu bur-buro in cida ay
wax ka xumaanayaan ay tahay dhalinyaradda.
Waxaanu Axmed Mirre, si gaar ah ula dar-daarmay dhalinyaradda reer Somaliland oo uu ku boorriyay in ay
hormood u noqdaan horumarka dawladnimadda iyo ilaalinta qaranimadda, isaga oo tilmaamay in wadamadda
dunidda ay tahay waxa uu dal waliba dalka kale ku dhaafaa xoogga dhalinyaradiisa.
Axmed Mirre Nuur, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad qaddo sharaf ah oo isaga loogu
sameeyay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Waxaana munaasibadaasi qaddo sharafta ahayd ka soo
qayb gallay maayarka Berbera, maamulka gobolka Saaxil, siyaasiyiin magac ku leh Somaliland, aqoon yahanno,
dhalinyarro, iyo mart sharaf kale.
Axmed Mirre Nuur, waxa kaloo uu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay marti qaadka loogu sameeyay magaaladda
Berbera oo uu sheegay in ay taariikh weyn ku leedahay noloshiisii ardaynimo iyo xiligii uu ku jiray waxbarashadiisii
dugsiga caanka ah ee magaaladda Sheekh.
Waxaanu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa wadanka dhib baynu u soo marnay. Dhiig iyo Dheecaan baa inaga soo
dhamaaday. Qof walba waajib baa ka saarran. Hadal baa jiray aan idhi, waaggii la is dilayay. Kaas oo ahaa maalin

baa iman doonta ay salaadiinteenu noqon doonaan dhalinyaro, oo shaqaalaheenu ay noqon doonaan dhalinyaro, oo
baarlamaankeenu uu noqdo dhalinyarro. Kuwaasaa laga sugayaa in ay ciil iyo cadhada inaga maydhaan. Alxamdu
lilaah, ILLAAHAY baa SWT na soo gaadhsiiyay”.
“Mar walba Kufid way iska jiraysaa, laakiin, kicid baa la rabbaa in ay ku xigto. Maanta dhalinyaradiinaasi
mustaqbalku hadduu inaga xumaado, raggiinaa dhalinyaradda ah ayuu ka xumaanayaa. Ha eeganina odayaasha, xil
gaar ah isa saarra. Dal wuxuu dal ku dhaafaa, waa xoogga dhalinyaradiisa weeye.
Hadduu xoogiisa dhalinyaradu noqdo mid hore u socda na, muddo yar baa lagu gaadhayaa meel yaab leh. Hadduu
xooggaa dhalinyaradu noqdo mid dib u socod ahna, meel la gaadhi mayo”.
Geesta kale Axmed Mirre, ayaa ku dheeraaday sidii mar walba meel looga soo wada jeedsan lahaa loona wada
ilaashan lahaa in dalkeenu uu horumar gaadho, si aynu ula tar-tanno wadamo inala deriska ah.
Waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaashado taariikhda uu wadanku soo maray, isla markaana beenta iyo
tur-xaanta laga ilaaliyo ayna waajib tahay in la barro Ubadkeena, wax kastoo inaga liica na cid la rabbo in ay toosiso
ay tahay dadkeena oo isku duuban.
“Marnaba Maskaxdiina yay ka bixin, in aad tartan kula jirtaan dalalka aynu jaarka nahay oo dhan, maskaxda ku
haya. Ha ku mashquulina magaallo heblaayo la tartama. Ha ku mashquulina idinku in aad gudihiina ku tartantaan, is
taban taabiya.
Waxaan leeyahay, idinku mar walba dhexdiina is qiimeeya. Sidaa aad imika idinkoo Wadar ah, aad iigu timaadeen
Wadar u ahaadda” ayuu yidhi Axmed Mirre Nuur.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Taariikhda waa la ilaashadaa. Beenta iyo tur-xaanta na waa laga
ilaaliyaa. Ubadka na waa waajib in loo gudbiyaa. Wax kastoo inaga liica cidda la rabbo in ay toosiso waa

Leave a Reply