Waxqabadka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Qorshaheeda Cusub

0
613

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda diinta iyo aw qaafta Jamhuuriyadda Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
(Albaani) iyo Agaasimaha guud Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdale oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ayaa soo
bandhigay waxyaabihii u qabsoomay wasaaraddaasi afartii sanno ee ugu dambeeyay.
Masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Awqaafka oo habeen hore marti ku ahaa barmaamujka bandhigga waxqabadka
Xukuumadda iyo la-xisaabtanka bulshada oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo ay masuuliyiinta su'aallo
toos ah ku waydiinayeen dadweyne marti-sharaf ahaa, waxa ay halkaasi ku soo bandhiggeen qorsheyaasha cusub
iyo waxyaabihii u qabsoomay mudaddii afarta sannadood ahayd ee ay xukuumadda labaad ee Kulmiye talada haysa.
"Waxyaabaha aanu qabanay waxa kamid ah Olollaha la-dagaalanka maandooriyaha oo aanu shir weyn ka qabanay,
diyaarinta siyaasadda qaran ee maamulida diiwaanka Sekeda oo hadda horyaalla golaha wasiirrada, waxa kale oo
aanu diyaarinaynaa oo hadda gacanta aanu ku haynaa xeerkii diwaanka sekeda" ayuu yidhi Wasiir Albaani oo
intaasi ku daray inay Wasaaraddu afartii sannadood ee la soo dhaafay hawlo badan qabatay, kuwaasoo aan la soo
koobi karin, kana mid yihiin mashaariic la fuliyey, masaajido la dhisay, horumarin iyo taageero loo fidiyey goobaha
lagu barto culuumta diinta.
Wasiirku isagoo furitaankii barmaamujka ka hadlay waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey qorsheyaasha
wasaaradda oo ay kamid yihiin qodobadan soo socda:-
1. Xaqiijinta in aan diin kale lagu faafin dalka.
2. Ka-hortagga hab-dhaqanada ka hor-imanaya diinta iyo dhaqanka suuban ee aynu leenahay.
3. Maamulka iyo korjoogtaynta hawlaha Xajka.
4. Diyaar-garaynta Imaamyada masaajidada iyo kor u qaadida wacyigooda.
5. Diwaangelinta imaamyada Masaajidada
6. Sheegida wanaaga iyo wacyigelinta, joojinta fusuqa iyo xumaha
7. Maamulka iyo gacan ku haynta Waqafka iyo ku dhiirigelinta bulshada ee Waqafka iyo samofalka
8. Dhiirgelinta Xiftiga qur'aanka iyo culuumtiisa
9. Taageerida iyo horumarinta malcaamadaha iyo xarumaha lagu barto culuumta diinta Islaamka
10. Dhiirigelinta dhismaha Masaajida, maamulkooda iyo maamulida dhulka danta guud ee loo jaro masaajida iyo
malcaamadaha
11. Ka-hortagga in dalka laga abuuro wax kasta oo wax u dhimaya diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Islaamka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda diinta iyo aw qaafta Sh. Aadan Cabdilaahi Cabdale oo isaguna halkaasi ka
hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay ahmiyadda gaarka siisay wasaaraddu, waxaanu sheegay in
mashaariicda waaweyn ee la diwaangeliyey ay kamid yihiin diwaangelinta guud ahaan goobaha lagu barto culuumta
diinta, sida mederasadaha, oo ay wasaaraddu diwaangelisay maamulkooda iyo macalimiintooda, iyadoo goobahasi
qiimeyn lagu sameeyey.
ka warbixinta masuuliyiinta waxa halkaasi lagu soo bandhiggay barmaamuj dhukumantari ah oo lagu soo uruuriyey
waxqabadka Wasaaradda, kaasoo ay ka soo qaybgaleyaasha iyo dadka daawadeyaashaba loogu soo gudbiyey
xogta waxqabadka afarta sannadood ee wasaaradda.
Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa sidoo kale martida barmaamujka uga jawaabay su'aallo tiro
badan oo ay waydiiyeen.

 

 

 

Leave a Reply