Ruushka oo lagu amray inuu bixiyo magdhowga haweeney gacmaha laga jaray

0
504

Ruushka ayaa lagu amray in uu bixiyo lacag ka badan €370,000 (£315,000) oo magdhow ah oo la siinayo haweeney uu ninkeedu gacmaha ka jaray.

Maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub ayaa sheegtay in Ruushka uu ku guul daraystay la dagaalanka xadgudubyada qoyska, waxayna ku amartay in ay magdhaw ka bixiyaan afar haween ah oo si xun loo weeraray.

Waxaa ka mid ah Margarita Gracheva, oo ninkeeda uu afduubay 2017-kii oo uu ku weeraray faas.

Maxkamaddu waxay u sheegtay Ruushka inuu sameeyo isbeddel degdeg ah si loo joojiyo weerarradan mustaqbalka.

Waxa ay sheegtay in tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee ka dhanka ah qoyska ay u dhacayaan si “weyn” Ruushkana uu jebiyay laba qodob oo ka mid ah Axdiga Yurub ee Xuquuqda Aadanaha.

Bishii Disembar 2017, Ms Gracheva ninkeeda ayaa u kaxeeyay meel kayn ah oo uu gacmaheeda kaga jaray faas.

Horay ayay booliiska ugu sheegtay hab-dhaqankiisa gardarada ah, laakiin askartu way iska indho tireen cabashooyinkeeda.

Gacanteeda bidix oo go’ay ayaa laga soo saaray kaynta oo dib loogu tolay. Gacanta midig oo macmal ah ayaa lagu rakibay olole lacag ururin ah ka dib.

Ninkeedii hore ee Dmitry Grachev ayaa lagu helay dambi waxaana lagu xukumay 14 sano oo xadhig ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in kiiska Ms Gracheva uu muujinayo sida sharciyada Ruushka ay ula jeedaan in mas’uuliyiintu aanay arkin xadgudubyada guriga ilaa ay ka sii darayaan in ay sababaan dhaawacyo jireed.

Waxay ku baaqday in si sharci ah loo qeexo rabshadaha qoyska iyo in dhammaan dembiilayaasha la xukumo.

Sannadkii 2017, Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu saxeexay sharci khafiifinaya ganaaxyada rabshadaha qoyska . Dembiyada ugu horreeya ee aan dhibbanaha la dhigin cisbitaalka loolama dhaqmo sidii dembiyada iyo ciqaabaha oo la yareeyey.

Saddex dumar ah oo kale, Natalya Tunikova, Yelena Gershman iyo Irina Petrakova, ayaa sidoo kale la siin doonaa magdhow.

“Waan guuleysanay!” Mari Davtyan, oo ka mid ah qareenada u doodaya haweenka ayaa ku soo qortay Facebook.

“Mid kasta oo haweenkan ka mid ah waxaa soo gaadhay dhaawac halis ah taas oo ka dhalatay wax ka qabasho la’aanta gobolka ee xaaladda rabshadaha qoyska,” ayay tidhi.

Ruushka ayaa horey uga soo horjeestay sheegashada haweenka ee magdhowga.

Wasiir kuxigeenka cadaalada Mikhail Galperin ayaa sheegay in dowlada Ruushka aanay ahayn in lagu qabto mas’uuliyadda kiisaska xadgudubka qoyska ee ay geystaan ​​shaqsiyaadka.

 

 

Leave a Reply