Kim Jong-un: toban sano ayaa laga joogaa intii uu Kuuriyada waqooyi xukumayey

0
786

10 sano ayaa laga joogaa markii  uu Kim Jong-Un  xukunka Kuuriyada waqooyi Aabihii ka dhaxlay. Kim Jong-Un  oo xukunka loo hibeeyey isaga oo aan la tijaabin waxa  uu ahaa 27 jir.  Xilligaas  tiro yar oo hoggaamiyeyaal caalami ah ayaa soo saaray faallooyin cinwaanno badan leh.  Hadba waa sidee ku hoos noolaashaha Kim Jong-un?

Waxay ahayd 19 December 2011, markii warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ee sida adag loo maamulo ay shaacisay in “hogaamahoodii qaaliga ahaa” ee Kim Jong-il uu dhintay, kuna  dhintay da’da 69-sano..

 

Dhawaaqa baroorta ayaa buux dhaafiyay waddooyinka Pyongyang.

Ardaydii oo ku labisan dareyska dugsiga ayaa jilba joogsaday iyaga oo u muuqday kuwo muujinaya baroor-diiq ay ku qasban yihiin. Haweenka ayaa la sawiray iyaga oo qalbigooda ku muujinaya waxa dhacay.

Adduunka oo dhan, ayaa faalo bilaabay, waxaana mowduuc waliba ku saabsanaa Kim Jong-un.

Isaga oo 27 jir ah ayaa waxa loogu yeedhay Guuleystaha Weyn. Laakiin in yar baa mooday inuu wax walba ku guulaysan doono. Bulshada Kuuriya dhinaca hogaaminta waxay tixgelisaa da’da iyo waayo-aragnimada hadba sidee buu u xukumi karaa qof labadaa qodob midna aan lahayn?

Qaar badan ayaa saadaaliyay inqilaab militari, ama in ay xukunka  la wareegi doonaan cid kale oo ka mudan. Laakiin dunidu way la weyday qiimayntii kalitaliyahan da’da yaraa. Kim Jong-un kaliya kuma ekaan inuu mawqifkiisa sii adkeeyo, balse waxa uu curiyay waxa cusub oo loogu magac daray “Kim Jong-unism”.

Waxa uu bilaabay in uu iska sifeeyo dadkii ay is hayeen iyo dilka boqolaal qof,kadibna waxa uu u soo jeestay arrimaha dibadda. Wuxuu sameeyey afar tijaabo oo Nukliyeer ah, wuxuu tijaabo ahaan u riday100 gantaal oo ballistic ah. Waxa kale oo dareenka caalamka soo jiitay wadahadalkii uu la yeeshay madaxweynaha Maraykanka.

Qoyska Kim ayaa xukumayay Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii la aasaasay 1948. Dadka dalkaas waxa loogu sheegay in ay taasi tahay muqadas ah. Waa hab lagu sharciyeeyo boqortooyada.

“Muxuu 27 jirkani ka ogaan lahaa in uu waddan maamulo, waa wax aan macquul ahayn.”

Kim Jong-un waxa uu wax ku soo bartay yurub, waxaana la filayey inuu wax weyn ka bedeli doono Dalka. Dad badan ayaa faraxsanaa, sida ardaygan Kim Geum-hyok  waxa uu yidhi “ waxaan sameeyey xaflad, waxaan filaayey inuu sida Jiilka cusub u fekeri doono oo dalku isbedel heli doono”.

Waddooyinka Pyongyang waxaa ka jiray xan sheegaya in Kim Jong-un uu ahaa ilmo aan ku habboonayn inuu xukumo. Laakiin kuwii sidaa lahaa wuu is baray. Ryu Hyun-woo, oo ahaa danjirihii hore ee Kuuriyada Waqooyi u fadhiyay Kuwait, oo ka goostay dalka ayaa BBC-da u sheegay in asxaabtiisu ay aad uga cadhoodeen in hoggaankii aabbaha ee loo gudbiyey wiilka.

Waxa uu yidhi “Kuuriyada Woqooyi way ka daaleen dhaxalka, waxaanu rabnay wax cusub oo sheeko cusub leh, ‘Miyaanay wax ka duwan imanayn?’ .” Hogaamiyaha da’da yar wuxuu muujinayay heerkiisa naxariis darada ah. Wuxuuna iska ilaaliyey  kuwa uu u arko inay khatar ku yihiin. Waxa ka mid ahaa Adeerkii Jang Song-thaek oo urursaday shabakad xoog badan oo xulafo ah. Qaar badan oo dadka ka mid ah ayaa rumaysnaa in adeerkii Jang Song-thaek xukunka kaga haboonaa, hadii uu xukunka qaban lahaana uu keeni lahaa isbedel iyo dhaqaale.

Hogaamiye Kim Jong-un waxa uu u dhaqaaqay inuu xantaa soo afjaro, kadibna waxa uu six un u dilay adeerkii isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Kansar, kana xun yahay Eyga. Waxa lagu eeedeeyey inuu wiiqay kacaanka isla markaana kala qaybin sameeyey. Daraasiin ay Jang Song-thaek isku dhowaayeen ayaa u yaacay Shiinaha, kadibna waxa gacan bir ah ayaa lagu qabtay xuduudaha, gaar ahaan Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed.

 

Sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegatay xukunkiisa, Kim Jong-un ayaa mas’uul ka ah waddan ay dhibaatooyin ka jiraan. Waxa uu haystaa tobanaan hub cusub oo Nukliyeer ah laakiin dadkiisu wali gaajaysan yihiin.

25-ka milyan ee ku nool Kuuriyada Waqooyi ayaa si aad ah uga go’doonsan adduunka weli.

Kim Jong-un waxa uu baacsanayaa  hubka Nukliyeer sidii uu gaadhi lahaa, laakiin qiimo weyn ayaa ugu fadhidaa. Tijaabooyin kasta oo gantaalaha ballistic-ga ah waxa ay sameeyeen ciwaanno caalami ah laakiin gudaha dalka dadku uma tixgelinayaan guul.

“Dadku waxay odhan lahaayeen weli hub bay samaysanayaan iyaga oo dhiigga iyo dhididka dadka ka tuujiya,” ayuu yidhi mid ka mid ah askarta goosatay.

Xanuunka Covid ayaa isugana dhibaato keenay oo cuntadii ka soo geli jirtay xidhay.

Isku soo wada duuboo 10-ka sanno ee dadka Kuuriyada waqooyi ay ku hoos noolayeen Kim Jong waxay ku jiraan dhibaato, faqiir iyo go’doon ka badan marka loo eego markii uu xukunka qabtay.

 

Leave a Reply