Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashanaya horumarinta waxbarashada

0
446

Jabuuti  (Dawan) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Cabdixakiin Siciid Bustaale, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay iska kaashanayaan horumarinta waxbarashada.

Wasiir Bustaale oo waraysi gaar ah siiyay MM Somali Tv, ayaa sheegay in uu caasimada dalka  Jabuuti ku joogo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaaradda waxbarashada ee Jabuuti, halkaasi oo ay labada wasaaradood ku wada galeen heshiis ku salaysan horumarinta waxbarashada.

Waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya.”Heshiiskayagaasi waxa uu ku salaysnaa sidii xirfadaha iyo aqoonta labada wasaaradood gacanta ku hayaan aanu u wadaagi lahayn, iyo in aanu sii xoojino xidhiidhka waxbarasho ee labada dowladood ka dhexeeya, oo Afrikana sal ay u tahay iskaashiga dowladaha jaar ka ah oo aanu ka bilowno dalka Jabuuti”

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale, ay wax ka korodhsanayaan, qaybta waxbarashada farsamada gacanta ee dalka Jabuuti, si ay wax ugaga badalaan dugsiyada farsamada gacanta ee Somaliland.

Leave a Reply