Hargeysa: Bandhigga daraasada tayadda adeeg daadejinta laamaha Dawladda

0
751
Hargaysa(CSC)- Munaasibadda lagu soo bandhigayay daraasadda oo lagu qabtay Magaaladda Hargaysa ayaa waxa kasoo qeyb-galay Guddoomiye-yaasha labadda Hay’adood ee Shaqaalaha iyo Maamul-wanaaga,Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda,Agaasimeyaal guud iyo khubaro kale.
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax oo munaasibaddaas ka hadlay ayaa sheegay in daraasadda lagu beegsanayay adeeg-bixinta shan Wasaaradood oo kala ah; Caafimaadka,Waxbarashadda,Cadaaladda,Jidadka,Ganacsiga iyo Hawlaha guud.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in muhiimadda laga leeyahay maamul-daadejinta ay tahay inay bulshadda uu gaadho adeeg-hufann oo tayo leh,taas oo ka mid ah ballan-qaadyaddii uu Xisbigga KULMIYE sameeyay.
Dhinaciisa waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’ada Maamul-wanaagga ,Dayib Xaaji Cali,kaas oo faah-faahiyay sidday iskugu sidkan yihiin shaqadda Hay’adda shaqaalaha iyo ta Hay’adda maamul-wanaaga. Waxa uu xusay inay Hay’adda shaqaaluhu tayayso shaqaalaha,halka Hay’dda maamul-wanaaguna tayayso Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda.
Waxa kale oo Guddoomiye DAYIB sheegay inay hawshani tahay mid biaw ah oo ay muddan tahay in si buuxda looga qeyb-qaato hir-galinteeda.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiiradda; Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,Cadaaladda,Wasiir Ku-xigeenadda arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga,waxaanay dhammaantood soo dhaweeyeen Cilmi-baadhista adeeg-bixinta dawladda,waxaanay faah-faahiyeen heerkay Wasaaradahooda ka marayaan maamul-daadejinta iyo hufnaanta adeeg-bixineed.
Wasiirka Isgaadhsiinta,Cabdiwali Suufi Jibriil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay qaabkey Wasaarad ahaan u qorsheeyeen in dhammaan adeegyadda dawladda noqon la’haayeen mustaqbalka dhaw kuwo casri ah oo la jaan-qaadaya nidaamyadda casriga ah.
Gabo-gabeddii Agaasimeyaasha guud ee shirka kasoo qeyb-galay ayaa waxay dood iyo fallan-qeyn ku sameeyeen qodobadda ay darasaadu dul-is-taagtay,iyaga oo halkaas tallooyin wax-ku-ool ah kasoo jeediyay.

Leave a Reply