Dalka oo laga Oogay Roob-doon iyo Madaxweynaha oo ka Qayb-galay

0
298

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo heer qaran ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana shalay laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka.

Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan.

Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta.

 

Leave a Reply