- Qofka banii aadamka Maalin kasta cimrigiisu wuu sii yaraanaya, mana dareemayo, laakiin haddii maalkiisu yaraado wuu tebaya , iyadoo haddana maalka uu soo celin karo laakiin cimriga aanu soo celin karo.
- Ilmadu waa qaabka caqligu u hadlo marka afku awoodi waayoinuu qeexo xanuunka haya.
- Si kasta oo dadaalkaagu u hooseeyo, marna ma noqonayo waxba la’aan
- Kalinimada haka baqan ka cabso saaxiibad khariban
- Qofka nolosha ka dhacsan ha niyad jebin ee dhiirigeli
- Adhigu weligooda waxay ku nool yihiin cabsi ay ka qabaan Waraabaha laakiin aakhirka waxa qasha kan ilaaliya.
- Waalida macnaheedu waa qof samaynaya wixii uu samayn jiray isagoo u samaynaya sidii uu markii hore u samayn jiray oo haddana filaya in natiijo tii hore ka duwani kasoo baxdo”
- Waa nacas qofka tagaan meesha uu joogay sanado ka hor, dhinac kasta oo nolosha ah.
- Waxa fiican in qofku dunida kaga tagto wax muuqda
- Markaad dhalatay maad garanayn qofka ku qabtay, markaad dhimatana mataaqanid cida iilka ku dhigaysa”