Komishanka Xuquuqal Insaanka oo sii daayay Maxbuus Rubuc Qarni ku dhawaad ku muddo dhaafay Jeelka

0
792

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa sheegay in ay sii daayeen maxbuus rubuc qarni ku dhawaad ku muddo dhaafay jeelka, kana bixyeen dayntii loo haystay oo ay soo ururiyeen ganacsatada dalku, iyaga iyo wasaaradda cadaaladduna ay ku dareen intii ka dhinayd.

Waxaa uu caddeeyay in  lacagta uu muddada u xidhna ay ahayd Mag, balse maanta uu helay xoriyadiisii.

Dhanka kale waxa uu xusay in maxaabiista komishanka xuquuqal iinsaanku uu la kulmay ay xidhan yihiin 20-sano iyo wax ka badan, waxaanu sheegay in arrimo madaniya oo kala duwan ay u xidhan yihiin, sida kuwa mag u xidhan, kuwa lacag yar oo kooban u xidhan, halka kuwana lacago dayn ah oo faro badan ay u xidhan yihiin, balse Koomishan ahaan lacagta la soo ururiyo inta fudud ee ay gaadhi karto lagaga bixiyo daynta.

Agaasime Cabdisamad waxa uu intaas ku daray in lix qof ay sii daayeen sannadkan, kana bixiyeen dayntii lagulahaa, waxaanu uga mahad celiyay shirkada gacanta ka gaystay lacagta maxaabiistaasi lagu daayay oo dhamma lix shirkadood.

Agaasime Cabdisamad isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Lixda qof ee la sii daayay waxa ka mid ah, oo maanta ay fadhiyaan dadkii qaybta ka ahaa, Maxbuus muddo 22-sannadood ah ku jiray Xabsiga, oo dhab ahaantii aanu aad iyo aad ugu mahad naqayno inkasta oo ay Mag ahayd lacagta lagulahaa, haddana in ganacsatada reer Hargeysa, ay u soo ururiyeen lacagtii Magta oo 30-kun oo dollar ah, intii ka dhinayd Komishan ahaan iyo wasaaradd cadaalad ahaan aanu buuxinay, balse 90% ay iyagu keeneen,”

Leave a Reply