Big Boss: Salman Khan oo lagu Dhaliilay Talo uu soo Jeediyay

0
695

Xidigga Bollywood-ka, Salmaan Khan, ayaa si weyn loogu dhaliilay baraha bulshada, ka dib markii uu ka yaabiyay bulshada reer Hindiya iyo guud ahaan kuwa caalamkaba, isaga oo ka hadlayay barnaamijkiisa telefiishanka  caanka ah ee lagu magacaabo Big Boss, isla markaana uu soo jeedyay tallooyin ku socda hablaha, taas oo la xidhiidha xadgudubyada ay habluhu la kulmaan.

Qaar ka mid ah shacabka Hindiya ayaa baraha bulshada kaga fal-celiyay hadalka uu jeediyay jilaaga, kaas oo  sheegay in fikirkiisa aanay taageersanayn. Waddanka Hindiya ayay aad ugu badan yihiin falalka kufsiga iyo faro-xumeynta, oo walaac aad u xooggan laga muujinayo.

Qoraaga war bixintan, Roopa Jha, oo ka tirsan BBC-da laanteeda af Hindiga ayaa sheegtay in gabadha ay dhashay aanay jeclaynsan talada noocaas ah. Waxay sheegtay in iyadoo hadda ku jirta fasalka 9-aad ay warqad u qortay macallinka fasalkeeda iyadoo uga dacwooneysa fowdo ay ku sameeyeen wiilasha fasalka, arrintaas oo ah mid inta badan ay habluhu dhibaato kala kulmaan.

Waxa kale oo ay sheegtay in gabadha yar yar ay markii hore ku adkaatay inay ka dacwooto xad gudubkaas, waxayna ku qaadatay hal sanno in ay yeelato dhiirranaanta ay waqradda ugu qorto macallinkeeda.

Talada lagu dhaliilay Salman Khan

Xiddigan ayaa ku boorriyay gabdhaha in “marka uu wiil ku soo xad gudbo ay marka koowaad iska dhago tiraan, marka labaad na iska dhaga tiraan, laakiin marka saddexaad ay qaniinaan kana sii socdaan”. Wuxuu sheegay in aan loo baahneyn falcelin deg deg ah oo dagaal wadata.

Xaalad sidaas oo kale la mid ah ayaa ka dhacday isla barnaamijka dhexdiisa, taasoo lagu soo bandhigayay wax u muuqday ciyaar. Nin ka mid ah ka qayb galeyaasha Big Boss, oo lagu magacaabo Abhijeet Bichukale ayaa gabadh lagu magacaabo Devoleena ka dalbaday inay dhunkato, isaga oo marar badanna ku celceliyay.

Devoleena waxba kama aanay odhan arrinta lagu soo celceliyay, balse markii dambe ayay ka dacwootay. Su’aasha ay dad badan isweydiinayeen ayaa ahayd in Devoleena ay lafteeda u arkeysay xaaladdaas mid iska kaftan ah. Daadihiyaha barnaamijka Big Boss, Salman Khan, ayaa la arkayay isagoo su’aalo weydiinaya Devoleena.

Inta badan sheekooyinka ku saabsan tacaddiyada haweenka ayaa laga soo tabiyaa Hindiya, waxaana laamaha ku shaqada leh lagu dhaliilaa in aanay dadaalkii loo baahnaa u sameynin wax ka qabashooda, inkastoo dowladda ay ku adkeysato inay tallaabooyinkii loo baahnaa qaaddo.

Dhanka kale, warbixin dhawaan ay soo saartay waaxda diiwaangelinta dambiyada (NCRB), ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay oo keliya ay Hindiya isku dileen 22,372 dumar ah oo xaasas ahaa. Tiradan ayaa ka dhigan in celcelis ahaan 61 haween ah ay maalin walba isku dilaan Hindiya, haddii si kale loo dhigana 25 daqiiqo oo kasta ay isdisho hal haweeney ah.

Sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya ma aha mid khaas ku ah. Tan iyo markii laanta NCRB ay billowday diiwaangelinta dadka isdila sanadkii 1997-kii, in ka badan 20,000 oo xaas ayaa is dili jiray sanad kasta. 2009-kii, tiradu waxay

gaadhay 25,092. Inta badan wararku waxay sheegaan in sababta ugu weyn ay tahay dhibaatooyin haweenka ku qabsada guriga oo “la xidhiidha qoyska” ama “xaalado la xidhiidha guurkooda”.

 

Leave a Reply