Ururadii Waa la Furayaa ee ha loo Diyaar-garoobo Doorashada

0
415

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horamarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa u soo jeediyay Xisbiyadda Mucaaradka in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka qabsoomiyadda Doorashada Ururada siyaasada.

Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu dhaqan-galyahay Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Xeer lambar 14,waxaana uu ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif in Golaha ku hogaamiyo sharciyada dalka u taala.

Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan kulo talin lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif in Golaha sharciga ku hogaamiyo oo sharciyada dalka raaco oo aanu noqon Guddoomiyihii ugu mudada gaabnaa,xisbi ayuu ka tirsanyahay saaxiibo ayuu ku leeyahay ka soo hor jeeda in Ururada la furo,laakiin sharciga waxa uu qabaa in Ururada la furo isaguna waa ogyahay aqlabiyadii Xildhibaanadii Golaha Wakiilada, waxa ay qabaan in xeerkaasi dhaqangalyahay, markaa Ninkii hanjaba iyo kii dhulka Cagaha dhulka la dhaca Xeerkaasi sidaas ayuu dhaqangal ku yahay,Ururadiina waala furayaa waxaana aanu kula talinaynaa Xisbiyada in ay u diyaar garoobaan Doorashada Ururada”.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland aanu hamuun u qabin muddo kordhin loo sameeyo.Waxaana uu yidhi”Madaxweynaha Somaliland hamuun uma qabo muddo kordhin waxaana uu qabtay Doorashooyinkii ugu quruxda badnaa Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka,xeerka furista waxa uu dhigayaa in tobankii sanaba mar la furayo,Ururada Siyaasada Doorashada Ururada iyo Diwaangalintooda waa in la qabto lix bilood ka hor”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynuhu kalsooni ku qabo kuna magacaabay afar digreeto afartii sanno ee uu xilka hayay.”Anigu waxa aan ahay shakhsi kolba halkii Qaranka layga dhiibo ayaan qabanayaa, markaa halkaa dhaliili kuma jirto,Madaxweynaha Somaliland kalsooni wayn ayuu igu qabaa afar digreeto ayuu igu magacaabay,afartii sanno ee uu joogay Wasaaradihii ugu cuslaa ayuu ii magacaabay xataa hadii aan xilka ka tago waan la shaqaynayaa Madaxweynaha Somaliland,”.

 

Leave a Reply