Waanu ka Xunahay in la Isku Khilaafo Xeer Dhaqangalay

0
392

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada Jamhuuiryadda Somaliland, waxaanu sheegay in ka Xisbi ahaan ay ka xunyihiin in Xildhibaanada Golaha Wakiilada isku khilaafaan Xeer dhaqangalay,

Maxamuud Jaamac Warfaa oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waanu ka xunnahay in la isku khilaafo xeer dhaqangalay, waxaan leeyahay waa in aynu iska dayno yooyootanka iyo is xag-xagashada. Xeerka 14 Golaha Wakiilada isku qabsadeen, waxa aanu ka xunahay hadaanu nahay Xisbiga Kulmiye in Baarlamaankii cusbaa uu isku qabto Xeerka dhaqangalay ee furista ururada siyaadadda Xeerka 14. Haddii aynu isku qabsano Xeer 14 waa in aynu ku kala baxno Maxkamadda sarre, laakiin hadalada xanafta keenaya ee Warbaahinta laysku marinayo waa in layska daayo”

Sidoo kale Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa waxa uu sheegay in Dawlada Maraykanka danaynayso Somaliland.Waxaana uu yidhi “Dalkeen indhihii Caalamka aad ayay ugu soo jeedaan waxaana inoo yimid xubno ka socday Kongers Maraykanka,waxaana ay u kuur galayeen dalka Somaliland waxaana Kongerska lagaga dhawaaqay in Somaliland la soo dhaweeye oo xidhiidh iskaashi oo amniga lala yeesho Somaliland,waxaana wax ka badal lagu sameeyay xeerkii amniga ee Dawlada Maraykanka waana in aynu wax la qabsano Caalamka”.

 

 

 

 

Leave a Reply