Wasiir Cabdiwali oo kulan la yeeshay Shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo Maayarka Caasimada

0
440

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Md. Dr. Cabdiwali Suufi Jibriil, waxa uu kulan kula yeeshay xafiiskiisa wakiillo ka socda Shirkaddaha Isgaadhsiinta, kuwa Korantada, Duqa Caasimada Hargeysa iyo madaxda wakaalada Biyaha.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay inay iska kaashadaan sidii xadhkaha xambaaraha Isgaadhsiinta iyo Korantada Dhulka hoostiisa loo marin lahaa, dhinacyadanina isaga kaashan lahaayeen qaabeynta iyo qorshahaasi.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa doonaysa inay meesha ka saarto xadhkaha badan ee suuqyada ku xidhan si ay bilicda Magaalada kor ugu qaado, taasoo culays ku keenaysa shirkaddaha leh dhagaatiyada biraha la raaciyey oo ay sanado badan ku shaqaysan jireen.

Dr. Cabdiwali Yuusuf Jibriil, Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada oo kulanka kaddib wariyeyaasha la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply