Maayarka Buuhoodle Oo Dhagax Dhigtay Buundo Laga Dhisayo Widh-widh

0
599

Khaddar Cabdi Muuse

Widh-widh (Dawan): Maayarka degmadda Buuhoodle marwo Khadiija Axmed Aadan, oo uu wehelinayay guddoomiyaha degmadda Widh-widh ayaa shalay dhagax dhigtay dhismaha Buundo laga hirgelinayo degmadda Widh-widh.

Dhagax dhiga Buundadaasi waxa kaloo ka qayb galay guddoomiyaha degmadda Widh-widh, Yuusuf Cawil Xiiray, xoghayaha dawladda hoose ee degmadda Widh-widh, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka degmadda Buuhoodle.

Buundadani la dhagax dhigay ayaa hirgelinteedu waxay muhiim u tahay bulshadda magaaladda Widh-widh, maadaama oo Togga magaaladda dhex mara uu dhibaato ku hayay bulshadda.

Iyadoo Toggaasi uu xili roobaadka kala xidho isku socodka dadweynaha ee magaaladda Widh-widh, gaar ahaana ardayda wax ka barata dugsiyadda magaaladaasi. Waxaana hirgelinta dhismaha Buundadaasi dawladda hoose ee degmadda Widh-widh.

Maayarka Buuhoodle Khadiija Axmed Aadan, oo hadal ka jeedisay dhagax dhiga Buundadaasi ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay maanta dhagax dhigaan Buundadaasi oo dhibaato ku haysay bulshadda magaaladaasi.

Waxaanay tidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta (shalay) dhagax dhigno Buundo muhiim u ah, oo dhibaata na ku keenta bulshadda magaaladda Widh-widh, gaar ahaana ardayda ama caruurta wax baranaysa,  xili roobaadka, iyadoona ay magaaladu kala xidhmi jirtay”.

Khadiija Axmed Aadan, ayaa tilmaantay in dadka magaaladda Widh-widh ay baahi weyn u qabeen in la dhiso Toggaasi kala xidha magaaladda xiliga ay roobabku da’aan. Iyadoona maamulka Widh-widh ku bogaadisay in ay dhisaan Buundadaasi.

“Baahida ah in la dhiso Buundadani in badan bay taagnayd, oo magaaladu kala xdhmi jirtay. Aad iyo aad baanu ugu faraxsan nahay inuu guddoomiyaha degmadda Widh-widh isku xil qaamay, hirgelinta dhismaha Buundadani” ayay tidhi maayarka degmadda Buuhoodle.

Geesta kale odayaasha, waxgaradka, dhalinyaradda, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee degmadda Widh-widh, ayaa si weyn u soo dhaweeyay in la dhiso Buundadaasi oo ay sheegeen in ay dhibaato ku haysay.

Leave a Reply