“Bisha May marka la gaadho xisbiyadii waala furayaa”Madaxweyne Biixi.

0
354

Berbera (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo sii adkeeyay hadalkii wasiir Koore, ayaa sheegay in marka la gaadho bisha May ee sannadka 2022, uu furayo ururadii siyaasada, talaabadaas oo mucaaradku aad uga soo horjeestay.

Waxaanu yidhi”Furista ururada qofna ma go’aamin karo, qofna kama hadli karo, waxaynu raacaynaa Xeer-14  oo labada gole meel mariyeen madaxweynuhuna saxeexay, ayaa dhaqan gal ah anaga oo fulinayna jidkaa xeerku sheegay bisha May marka la gaadho xisbiyadii waala furayaaye nin walowba ku biyo cab”

Madaxweynaha ayaa xisbiyada mucaaradka usoo jeediyay in aanay wax dhib ah u arag furista ururada, isagoo sheegay in wax badan oo laga doodaa aanay meesha oolin.

Waxaanu yidhi”Xisbiyada qaranka waxaa ku waajib ah in anay ka boodin furista axsaabta waayo waa sharci, maanta musharaxa xisbiga Waddani wuxuu yidhi xisbiyadii waanu ogolnahay in la furo, hadaa maxaynu ka doonaynaa?”

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, balan qaaday in uu doorashada madaxweynaha wakhtigeeda ku qabanayo “Doorashada madaxweynahana, iyaduna waa waajib eh wakhtigeeda ayaynu maraynaa haddii ALLE  yidhaahdo”.

Ku dhawaaqista furista ururada siyaasada ayaa buuq iyo is maan dhaaf ka dhex dhalisay golayaasha siyaasada Somaliland, iyadoo qaar ay u dagaalamayaan furista ururada, halka qaar kalena ka dagaalamayaan.

Leave a Reply