Sheybaadhkan oo Miisaaniyada Qaranka laga Maalgeliyey Wuxuu la Mid Yahay Ciidamadda Furinta Jooga”

0
308

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in sheybaadhka Berbera ku jiro kaalinta ciidamada aagga hore difaaca qaranka kaga jira, lagana maalgeliyey miisaaniyada Qaranka.

  1. Sacad oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu furay sheybaadhka Qaranka ee Berbera, ayaa sheegay in muhiimada xukuumadu tahay ilaalinta amaanka iyo bedqabka ummada, isla markaana sheybaadhka oo miisaaniyadda laga maalgeliyey la mid yahay ciidankeena furinta jooga, maadama Berbera tahay meel dalka laga soo galo oo laga baxo.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad ayaa sheegay in sheybaadhku kalsooni weyn siinayo badeecadaha aynu dibedda u dhoofino iyo badeecadaha aynu dibeda ka keeno oo tuhun weyn bulshada qaar ka qabaan Daawooyinka dibeda la inooga keeno iyo cuntada aynu soo dejino inay dhaceen.

Waxaan doonaynaa inay badeecadaha aynu dhoofino ku siino shahaado inay bedqabaan oo tayadoodu sarreyso, oo tayadoodu ku caalamka la mid noqoto.

Sheybaadhkani ma baadhi doono keliya waxa soo dega balse waxa dalka ka dhaafana wuu baadhi doonaa. “Keliya maaha Somaliland, balse waxuu noqon doonaa sheybaadh dhamaan wadamadda Geeska u adeega.”

 

Leave a Reply