Afhayeenka KULMIYE Oo jawaab ka Bixiyay Hadallo Ka Soo Yeedhay Xisbiyada WADDANI iyo UCID

0
416

) Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxmude Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Xisbiyadda Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo ay kaga soo hor jeesteen go’aanka furista Ururada Siyaasada.

Cabdinaasir Muxumed Xasan oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka iyo Xeerarka dalka ay ku caddahay muddo xileedka Xisbiyada iyo Golayaasha Qaranka, waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynaha qaranku yahay ilaaliyaha Sharciga.

Cabdinaasir Buuni oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa dalka Somaliland halkaa ku soo gaadhay waa Dawladnimo, kala dambayn iyo qanuunka dalka oo la ixtiraamo, waxaanu wax ku yahay qofka ugu sareeya dalka iyo qofka ugu hooseeyay qaynuunka dalka, markaa dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa muddo xileed ayuu u jideeyay Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta Qaranka, waxaana muddo xileedka loo sameeyay in dadku ay helaan fursad siyaasiya, ilaaliyaha qaynuunka dalkuna waa Madaxweynaha, cid kale oo wax laga waydiinayaa majirto, Ninkii qaanuunka ixtiraami waayana qaanuunka ayaa u jawaabaya, khudbadihii ay akhriyeena waxa ay ku sagootiyeen shacabka Somaliland”.

Sidoo kale Cabdinaasir Buuni oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu u gudbiyay Golaha Wakiilada hal sanno ay is dul saaranyihiin Doorashooyin Dastuuriya iyo qaar Xeer waajibinayo, waxaana qoraalkiisu ahaa in gole ahaan ay ka soo gutaan Xildhibaanadii taa waafaqayay ee lahaa Madaxweynuhu inooma soo gudbin Ururo ma la furaa mise lama furana wadadii sharcigu u banaynayay ayay mareen, Doorashada Madaxtooyadda waxa galaya Saddex xisbi oo haysta liisan toban sanno ah, liisankii Xisbiyadda Kulmiye Waddani iyo UCID wuu dhacayaa Doorashada Ururada ayaa la qabanayaa, Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa ka qayb galaya Doorashada Madaxtooyadda, Kulmiye ahaan diyaar ayaanu u nahay. waxaana dalka u baahanyahay Axsaab Mucaarada oo Difaaca Qaranimada Somaliland, wax alaale wax dhacayaa iyo deero deero hirdiyaysaa majirto. dadkanu ilaa gees ilaa gees waa la soo dhaweeyay Furista Ururada, rabitaanka shacabka waa in Ururadii la furo”.

Leave a Reply