Xildhibaan Rambo oo soo Dhaweeyay Talaabada uu  Qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu

0
498

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamed Rambo, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday guddoomiyaha golaha wakiilladu, ee la xidhiidha furitanka fadhiga maalinta bariya haddii ILLAAHEY yidhaaho, waxaanu sheegay in uu qaaday tallaabo wanaagsan.

Xildhibaanku waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook soo dhigay waxaanu ku yidhi.“Gudoomiyaha Golaha Wakiiiladu, waxa uu qaaday talaabo u wanaagsan hawlsami socodka shaqada Golaha iyo ilaalinta isku xukunka sharciga.

Maxkamadda Dastuuriga ahi, waa mid ka madax-banaan waaxyaha kale ee Qaranka islamarkaana waa dhexdhexaad.

Waxa dastuurka JSL uu awood buuxda u siiyay tafsiirka dastuurka iyo shuruucda. Go’aanka Maxkamaddu waa kama danbays sida ku cad xeerarka dalka.

In aynu dhamaanteen ka war sugno go’aankeedu waa arin dastuuri ah oo ku dhisan ilbaxnimada dawladeed.”

May be an image of text that says 'Jamhuurfyadda Somallland Golaha Wakiiladda Mob: +252-0634424715 The Republic of Somallland House Of Representatives Xafiiska Gudoomiyaha Office of the Speaker E-mail.secretaryspeaker@gmail.com Dato=25/12/262/ 90/9/09/309/202/ Ku: Dhammaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada JSL Hargeysa= Mudaneyaal, Ujeeddo: War-galin. maalinta Axdda 26/12/2021 Mudanayaasha Golaha Wakillada waxaa lagu war-gelinaya Goluhu furmi doono Iyada 00 arintii Xeerka Nidaamka ururaddi iyo Axsaabata Qaranka xeer 14-2021 uu maxkamadda yaalo lagana war sugayo go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ah. Goluhuna shaqooyinkii caadiga ahaa si wadanayo. Allah Mahad Leh Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL SPEAKER'

Leave a Reply