Badhasaabka Buuhoodle oo ku Dhawaaqay Xaalad Abaareed

0
412

Buuhoodle (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Nasteex Maxamed C/laahi, ayaa shaaciyay in xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneed oo aad u daran ay ka taagan tahay dhamaanba deegaamadda hoos yimaadda gobolkaasi.

Waxaanu sheegay guddoomiyuhu in dhamaan ba degaamadda hoos yimaadda gobolka Buuhoodle ay xilgan ka taagan tahay xaalad biyo la’aaneed iyo mid abaareed oo aad u daran, isla markaana dadka deegaamadaasi ay gar-gaar deg deg ah u baahan yihiin.

Nasteex Maxamed C/laahi, guddoomiyaha gobolka Buuhoodle oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugnaa Buuhoodle, waxa uu tilmaamay in sameeyeen kormeer qiimayn oo ay ugu kuur gelayeen xaaladaha abaareed ee degaamadaasi.

Kormeerkaasi oo ay shalay ku soo mareen degaanka Bali-calanle, iyo Qorilugud, oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, waxaa badhasaabka ku wehelinayay isku-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda qaar ka mid ah.

Waxaana isku-duweyaashaasi hogaaminayay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Buuhoodle, isku-duwaha wasaaradda beeraha, isku-duwaha wasaarada biyaha, isku-duwaha wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda, isku-duwaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha.

Taliye ku-xigeenka qaybta booliska ee gobolka Buuhoodle, iyo taliyaha saldhiga booliska degmadda Qorlugud, iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmadda Buuhoodle.

Nasteex Maxamed C/laahi, oo ka warbixinayay xaaladaha nololeed ee ay ku soo arkeen degaamadda ay kormeerka ku soo mareen, waxa uu yidhi “Deegaamadaasi xaalad adag bay ku jiraan oo abaarreed, iyo biyo la’aaneed, xaaladaasi abaareed baa dadka deegaamadaasi six un u haysa.  Dadkaasi waxay u baahan yihiin caawimaad iyo gurmad dawladeed ba.

Maadaama oo aan anigu dawladda Somaliland ku metelayo gobolka Buuhoodle, arrimaha aanu u kuur gelaynay ayay ka mid ahayd, ee aanu kormeerkaasi u samaynay. Baahida ugu weyn ee ay qabaan, waa biyo la’aanta iyo abaarta”.

Waxa kaloo uu guddoomiyaha Buuhoodle sheegay in ay u qorshaysan tahay  maalmaha soo socda in ay kormeerkaasi ku soo maraan degaamo kale oo gobolkaasi ka tirsan.

“Waxaa noo qorshaysan in aanu ku soo marno, Coodanle, Qabri-huluul, Murraayadda, Kaartadda, Qandahaar, iyo degaamadda kale ee xagga barriga gobolka Buuhoodle, sida Widh-widh, iyo tuullooyinka hoos yimaadda. Dhamanba deegaamadda gobolka Buuhoodle waanu maraynaa haddii ALLE SWT idmo” ayuu Nasteex Maxamed C/laahi.

Dhinaca kale guddoomiyaha oo aanu waydiinay maadaama oo aanu maamulka Somaliland si buuxda u wada gaadhin dhamaanba degaamadda gobolka Buuhoodle waxa uga qorshaysan sidii uu maamulka dawliga ah u gaadhsiin lahaa.

Waxaanu ku jawaabay, “Anigoo ka duulaya masuuliyadda uu ii igmaday madaxweynaha qaranka Somaliland ee gobolka Buuhoodle, waxaan doonayaa wax allaale wixii suurto gal ah in aan wada gaadhsiiyo mamulka dawladnimo, wax tar iyo wax qabad, iyo sugida nabadgeliyadda iyo horumar ba, in aan gaadhsiiyo goboladda kale ee dalka” ayuu yidhi guddoomiye Nasteex.

Mar uu ka warbixinayay xaalada nabadgeliyo ee gobolka Buuhoodle guud ahaanba sida ay wakhtigan tahay, wax auu yidhi “Nabadgeliyadda gobolka Buuhoodle way degan tahay imika. Marar wax ka dhacaan way jirtaa. Laakiin, wakhtigan la joogo aad bay u wanaagsan tahay xaaladda nabadgeliyo ee gobolka Buuhoodle guud ahaanba”.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Buuhoodle ayaa ugu baaqay xukuumadda dhexe ee Somaliland in ay caawimo la soo gaadho dadka degaamadda gobolkaasi ee ay abaartu saamaysay.

Waxaanu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda dhexe ee Somaliland…waan ka wada hadli doonaa xaaladaha abaareed eek a taagan degaamadda gobolkan Buuhoodle. Meello aan ka wada hadlanyna way jirtaa. Xaaladaasi abaareed iyo biyo la’aaneed ba in ay dawladu gacan weyn ka gaysato. Waanay ku hawlan tahay ba imika. Balse in ay sii laba jibaarto ayaan ugu baaqayaa”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply