Faallo: Tabaalaha Abaaraha Tabaabushe ma Kaga Baxnaa?

0
551

Cumar Maxamed Faarax 

Waxa la gaadhay xilligii aynu ku baraarugi lahayn waajib qof walba gaarkiisa u saaran. Taasi oo ah samato-bixinta dadka abaaruhu haleeleen  oo ku jira wakhti kulul oo biyo la’aani ay hayso, oo u baahan  inay ku farxaantaageeradeenna.

Waxa daruuri ah inay maalqabeennada iyo ganacsatadu ay jeebkooda furaan oo ay  u huraan qadar kooban oo maalkooda ka mid ah, walaalahooda reer guuraaga ah  ee jiilaalka adag galay  ee taagan marxaladii ay ku baxsan lahaayeen inteena  wax haysta iyo Xukuumadooda.

Waxa wax weyn taraya  haddii 1 milyan oo qof oo shacab ahi  ay sadaqad ula baxaan min 2 doolar, waxaynu gacanta ku dhigaynaa  laba milyan oo doolar oo meel weyn ka gufaynaysa hawlaha gurmadka abaaraha.

Maanta oo kale waxa aad loo dhawrayaa oo indhaha lagu hayaa qadarka qaadhaanka ay dadkooda tabaalaysan u huraan  ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn oo dhaqan u lahaa soddonkii sannadood ee la soo dhaafay inay  intii itaalkooda ah baahida ka fujiyaan dadkooda tabaalaysan xiliyada wax-saareenka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo aad u neceb gacmo hoorsiga iyo beryada shisheeyaha, isla markaana ku kalsoon in dadka reer Somaliland ay dhaqaale ahaan isku filan yihiin inay xasladaan duruufaha abaaraha iyo baahiya kale ee soo foodsaara qaybo ka mid ah dalka JSL.

Gobollada biyo la’aantu taabatay waxay kala yihiin Togdheer, Sool iyo Sanaag oo gurmad deg-deg ah u baahan.

Waxaa bilow wanaagsan ah in Xukuumadda dhexe ee JSL ay miiska saartay Hal milyan oo doolar oo ay ugu talogashay inay kaga hawlgasho jiilaalka adag oo laga cabsi qabo in riiqdiisu dheeraato ALLE ha innaga jabiyee. Lacagtan ayaa ah mid laga soo saaray qasnada dawladda ee loo sameeyey  qufulada waaweyn, si sebanka adag loogu iisho.

Sidoo kale, qoddob madaxweyne Muuse Biixi soo kordhiyey afar sanno ka hor  ayaa waxtarkiisii lagu reeyey, kaasi oo ah “Keydka Raashinka” oo uu ku soo daray Hay’adda u-diyaar-garowga Aafooyinka. Keydka raashinku waxa uu maanta diyaariyey cunto ku filan muddo soddon maalmood ah 116 kun oo qoys oo ka mid ah reer guuraaga jiilaalku ku laxaadsaday.  Tallaabadani waxay keentay in gurmadka u horreeya ay la cararto Xukuumaddu, waana tallaabo istaahisha in lagu bogaadiyo Xukuumadda oo tabaabushe muujisay.

Keydka raashinku waa tallaabo bilow u ah qorshe muddada dheer la xidhiidha oo ku wajahan  in laga kaaftoomo gacmo hoorsiga noocyadiisa kala duwan oo daciifiyey hal-abuurkii madaxdeenna looga baahnaa,waana geesinimo iyo waddaniyad in madaxweyne Biixi uu ka gows adaygo baryada shisheeyaha oo uu  fagaareyaal badan kaga digay inay aynaan noqon ku tiirsanayaal caqligoodu ku xidhan yahay gacan dibadeed.

Ugu dambayn, waxa wakhtigu xusi doonaa qofba doorka uu maanta ka qaato gurmadka bulshada Somaliland abaarta ku dhufatay, xukuumaddana waxa looga fadhiyaa inay sameyso saaxadii iyo hoggaamintii dadkaas tabaalaysan loogu gurman lahaa iyo hawlgelinta guddiyadii iyo Haya’dihii fulin lahaa waajibkaas qaran oo qaarkood ay haddaba bilowday.

 

Leave a Reply