Dawladda Hoose ee Hargeysa: Gaadiid badan oo loo Iibiyay Horumarka Caasimadda

0
557

 

“Mashruucan u jeedadiisa ugu weyni waxay ahayd awood dhiska dawladaha hoose,  si ay u bixin karaan addeegii looga baahnaa”  Madaxweyne ku xigeenka JSL

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa maanta soo bandhigtay Gaadiid tiro badan iyo qalab kala duwan oo ay soo iibsatay oo lagaga shaqayn doono horumarinta caasimadda.

Waxaana ka qayb galay soo bandhigista qalabkaasi iyo gaadiidkaasi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo madaxda iyo masuuliyiinta mashruuca JPLG-ga, iyo maamulka dawladda hoose ee Hargaysa.

Waxaanay fagaaraha beerta Xoriyadda ee magaaladda Hargaysa ay dawladda hoose ku soo bandhgtay qalab iyo gaadiid ay dawladda hoose ee Hargaysa soo iibsatay oo ay ka maalgelisay cashuurtii dadweynaha laga qaaday.

Lacagta lagu soo iibiyay qalabkaasi iyo gaadiidkaasi ayaa 70% ka mid ah ay bixday dawladda hoose ee Hargaysa, waxaana sii maalgeliyay lacagtaasi baanka dhexe ee Somaliland sida uu sheegay maayar ku-xigeenka Hargaysa.

Gaadiidkaasi waxaa ka mid ah laba Cagaf, oo nooca 5 boqol ee waaweyn ah, hal Grader ah oo weyn oo 180 ah, 9 baabuur ama Xaajiyadood oo dhamaantoodba cusub, hal gaadhi oo mid loogu tallo galay maayar ku-xigeenka caasimadda.

6 Cagafyadda loo yaqaano zino-truck oo weyn, oo noocii loogu tallo galay waddooyinka in ay ka shaqeeyaan ah, hal Booyad ah, oo ah kuwa rusheeya waddooyinka marka la dhisayo, oo nooca ugu waaweyn ah.

Qalabkaasi iyo qalab kaloo soo socda oo fara badan, waxaa loogu tallo galay in lagaga shaqeeyo caasimadda Hargaysa.

8-da baabuur ee Xaajiyadaha ah waxaa kala leh 8-da degmo ee caasimadda, iyadoo degmo kastaaba gaadhigeedda gaarka ah ayay leedahay. Halka Cagafyadda qorshuhu yahay in degmo kastaaba Cagafteedda iyo qalabkii loogu tallo galay in ay degmo ahaan hesho.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo kormeeray mashaariicaha kala duwan ee ay dawladda hoose ee Hargaysa ka waddo caasimadda, gaar ahaana mashaariicda laga maalgeliyo JPLG-ga.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku isla maanta dhagax dhigay waddo Laami ah oo dhererkeedu dhan yahay 10KM oo ay hirgelinayso dawladda hoose ee Hargaysa.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo ah guddoomiyaha guddiga mashruuca JPLG-ga ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucaasi, iyo mashaariicda ay hirgelisay dawladda hoose ee Hargaysa, iyo gaadiidkan ay soo iibsatay ba.

Waxaanu yidhi, “Mashruuca JPLG-ga waxaa loogu tallo galay haayadaha UN-ka ee nagala shaqeeya iyo qaadhaan bixiyeyaasha ee inaga caawiya, ee Midawga Yurub, oo aan dhamaantoodba aad ugu mahad naqayno, u jeedadda ugu weyn waxay ahayd awood dhiska dawladaha hoose, si ay u bixin karaan addeegii looga baahnaa, ayna u samaysan karaan qorshaha degmadoodda ay ka masuulka yihiin.

 

Muddo dheer buu soo qaatay mashruucaasi. Saddex weji ayaanu ahaa mashruucani. Ka hore oo shan sanadood ahaa, oo bilaabmay sanadkii 2008-kii, ilaa sanadkii 2013-kii.

Wejigiisii labaad na wuxuu bilaabmay sanadkii 2013-kii ilaa sanadkii 2020-kii. Hadda waxaan ku jirnaa wejgiisii saddexaad. Intaa waxaa lagu waday dawladaha hoose oo lagu riixayay, aqoon ah in dawladaha hoose haday goleyaasha deegaanka ee la doortay tahay iyo haday tahay shaqaalaha kaleba in lagu tababaro, oo la fahamsiiyo in ay bedelaan sidii loo gaadhsiin lahaa, heerka wadamadda dunida horumar tahay sidii ay degmooyinkoodda u horumarin lahaayeen”.

“Caqabado badani way dhaceen, oo aan casharradoodda aad loo qaadan. Is bed-bedelo inta badan ku dhacayay dawladaha hoose xoghayeyaashoodda. Goleyaasha deegaamadda qaarkood gaar ahaana goleyaashii sanadkan la bedelay, oo aan muhiimad ba siin jirin. Iyagoo aan tababaradii la siin jiray kaba soo qayb geli jirin. Laakiin se, waxaad moodaa in goleyaashan deegaanka ee cusubi, iyagoo aan weli tababaro fiican ba aan helin, in ay la dhasheen oo ay dhaqaajiyeen” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Geesta kale madaxweyne ku-xgeenku waxa uu sheegay in dawladaha hoose ee dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa uu culays weyni ka haysto shaqaalaha oo aad ugu fara badan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan isla garanay in shaqaalaha dawladaha hoose, sida qarankuba ula dhiban yahay, inuu shaqaalahoodu aad u fara badan yahay (over staff), oo meel kastoo haayadaha dawlada ahba ay aad culays ugu hayso. Waxay qaateen maayarradu in aan cid shaqaale ah la eryin. Laakiin, waxaan qabaa anigu qofkii iman waaya shaqadda, ee isagu is erya, waa eed la’aane, waa inuu ka baxaa meesha.

Shaqaalaha kale ee aadka u faraha badan, wixii aan xafiisyo loo haynin, in la jiheeyaa. Waana in loo adeegsado shaqooyinka. Tusaale ahaan imika Hargaysa oo kale 100,000 oo guri ayay kor u dhaaftay, 50 Innan oo cashuur qaadeyaal ahi ma wada gaadhi karaan. Markaa qofkii shaqaynaya dadkaa fara badan waa in xoogoodda loo addeegsado in ay cashuurtaasi baaqanaysa soo saaran. Si iyagana mushaharkoodii u soo baxo”.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dawladda hoose ee Hargaysa ku amaanay isbedelka weyn ee ay ka sameeyeen dhinaca nadaafadda caasimadda. Waxaanu sheegay in mudadda kooban ee ay joogeen in ay maareeyeen qaybaha kala duwan ee qashinka Adkaha ah iyo midka Darreeraha ah.

Dhinaca kale maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa isna ka warbixiyay jidkaasi uu madaxweyne ku-xigeenku dhagax dhigay, iyo mashaariicda kale ee ay wadaan. Waxaanu yidhi “Waxaa bulshadda reer Hargaysa maanta u sharaf ah in waddo dhererkeedu yahay 10 KM oo 4 KM iyo badh in ku dhaw dib loo dhisi doono. Inta kale ee soo hadhay na dayactir wanaagsan lagu samayn doono, in dadka reer Hargaysa cashuurtoodii ay bixiyeen looga qabanayo.

Dawladda hoose ee Hargaysa na waxaa maanta u sharaf ah, adigoo madaxweyne ku-xigeen nala jooga, oo dhagax dhigaya wadadda qiimahaasi ku kacaysa, ee tacabka intaa leegi gelayo, in dawladda hoose iyadoo maamulkuna cusbaa, oo muddo shan bilood oo keliya ah aanu joognay iyo waddooyinkii kale ee aad saaka soo aragtay ba, in loo badheedhay. Dadkuna haddii ay dedaalaan, oo cashuurta ay bixiyaan, waxaa hubaal ah in ay magaalooyinkoodda iyo dalkooduba is bedeli doonaan”.

 

 

Leave a Reply