Wefdigii Baarlamaanka Maraykanka oo Dalka Dib ugu soo Noqonaya

0
350

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Mustafe Maxamed X. Daahir, Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Shuruucda, Cadaaladda iyo Xuquuqal-insaanka ee Golaha  Guurtida ayaa sheegay in wefdigii ka socday Baarlamaanka Maraykanka ee booqashada ku yimi dalka Somaliland ay sheegeen inay mar-dambe soo noqon doonaan.

Xildhibaan Mustafe oo ka hadlayey fadhi Golaha Guurtidu kaga doodayey siyaasadda Arrimaha dibedda ayaa  bogaadiyey, isla markaana sheegay inay meel wanaagsan marayso oo Wasaaradda Arrimaha Dibedu arrimo wanaagsan qabatay.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Shuruucda Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay inay la kulmeen wefdigii ka socday Baarlamaanka Maraykanka, isla markaana u sheegeen inay mar labaad soo noqon doonaan, kuwaasi oo muhiimadoodu ahayd inay innagala shaqeeyaan arrimaha amniga oo meel xasaasi ah maraya Geeska Afrika.

Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo dalka Maraykanka soo kobcayo, isla markaana Baarlamaanka Maraykanka dhowaan meelmariyey sharciga Amaanka Maraykanka oo uu qeyb ka yahay xeer dhigaya in iskaashi difaac wada yeeshaan dalalka Maraykanka iyo Somaliland.

Waxuu sheegay inay muhiim tahay xoojinta xidhiidhada dublamaasiyadeed ee Somaliland la yeelanayso wadamadda waaweyn ee saamaynta ku leh caalamka, taasoo wax weyn ka taraysa sidii qadiyadda ictiraafka Somaliland loogu guulaysan lahaa.

Gudoomiye-xigeenka Guddiga Shuruucda Golaha Guurtida Xildhibaan Mustafe ayaa sidoo kale bogaadiyey Wasaaradda Tamarta dedaalka ay ka gashay heshiis sahaminta shidaalka oo dhexmaray shirkad dalka Taiwan laga leeyahay iyo shirkada Genel Energy.

Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay in Wasaaradda Maalgashigu ku jiro dedaalo sidii maalgashadeyaasha caalamku maalgelin ugu samayn lahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taasoo ka qeybqaadanaysa xidhiidhada wadamadu yeeshaan.

 

Leave a Reply