Nuxurka Fadhi Xidhan oo Dhex Maray Mudanayaasha Wakiillada

0
441

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi Xirsi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa ka hadlay fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo Golahaasi shalay ka  yeeshay khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay.

Xildhibaan Xirsi oo shalay warbaahinta la hadlay ka dib markii ay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ka soo baxeen fadhigaasi  oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa sheegay in ujeedada kulankaasi uu ahaa mid ay mudanayaashu isku lab-xaadhanayeen si loo daweeyo wixii laysku khilaafay.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aannu yeelanay fadhi xidhan, waxaana uu ahaa in uu dib u furmo Golihii oo toddobaad xidhnaa oo  aanu  dib iskugu soo noqo, isla markaana kal-fadhigayagii caadiga ahaa ee  labaad iyo shaqooyinkii  noo yaalay  ee ajandaha noogu qornaana  aanu galno, wixii golaha ka dhex jirayna aanu iska lab-xaadhanno, wali fadhigu noomuu dhammaan, markaas ayaa la sheegi doonaa wixii ka soo baxa”.

Xildhibaan Xirsi ayaa waxa uu sheegay in la sugayo go’aanka Maxkamadda sare ka soo saari doonto  Xeer 14. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrinta xeer 14, markii Guddoomiyaha Golaha iskugu yeedhay waxa uu sheegay in xeerkaasi uu yaallo Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaana Dastuuriya in la sugo inta wax ay ka soo baxayaan, waxaana aanu sugi doonaa go’aanka ka soo bixi doona Maxkamadda sarre”.

Sidoo kale Xildhibaanka  ayaa waxa uu   sharraxay waajibaadka Golaha Wakiilada Somaliland, waxaannu  yidhi. “Waxaannu ku koobannahay waajibaadkayaga in aannu ka hadalno, wixii dadka dhibayana aanu xeerar ka samayno, waxaana golahani ogyihiin wixii loo soo doortay. Waxaan dadweynaha ka codsanayaa in aanay degdegin, golahana waxa la doortay shan sanno ee ha la sugo, waxaana aanu ballanqaadaynaa  in aanu ka tagno wax wanaagsan oo dhaxal-gal ah”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply