Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Wasaarada Ciyaaraha oo Tababar ka Furay Magaalada Boorama

0
458

Boorame (Dawan)- Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cali Nuur ayaa shalay tababar ufuray shaqaalaha Dawlada Hoose ee Boorama iyo dhalinyaro ka kala socda ururada ka shaqeeya arimaha dhalinyarada ee degmada Boorama.
Tababarkan loo furay shaqaalaha dawladda hoose iyo dhalinyarada ka kala socda ururada ka shaqeeya arimaha dhalinyarada degmada Boorama ayaa waxaa ka soo qeyb-galay maayarka degmada Boorama Maxamed Baradho, xoghayaha dawladda hoose ee degmada Boorama Mustafe Duuduu iyo Masuuliyiin ka kala socday laamaha dawladda.
Tababarkan oo socon doono muddo laba cisho ah, ayaa ujeedada loogu qabtay dhalinyarada iyo shaqaalaha dawladda hoose ayaa la xidhiidha Wacyi-galinta badbaadinta dhalinyarada ee arimaha mukhaadaraadka, tahriibta, Social media0yaha iyo arimaha qabyaalada.
Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Mustafe Cali Nuur oo tababarkaasi furay ayaa ugu horrayn u mahad-naqay dhamaan dhalinyaradda kas oo qeyb-gashay tababarka, Isaga oo ka Wacyigeliyey inay iska ilaaliyaan tahriibta , mukhaadaraadka iyo wax kasta oo xun oo u baahan inay ka fogaadaan dhalinyarada reer Somaliland.
Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cali Nuur oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarihaha Somaliland, waxa ay maanta (shalay) ka daahfurtay magaalada Boorama tababar socon doona mudo laba cisho ah, tababarkan waxa loo qabtay shaqaalaha dawlada hoose iyo dhalinyaro ka kala socda ururada ka shaqeeya arimaha dhalinyarada ee dagmada Boorama.”
Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cali Nuur waxa uu intaasi ku daray “Ugeedada tababarkani waxa uu ahaa wacyi-galinta badbaadinta dhalinyarada ee arimaha mukhaadaraadka, tahriibta, Social media-yaha iyo arrimaha qabyaalada.”
Agaasime Mustafe Cali Nuur waxa uu farriin u diray dhalinyaradii ka soo qaby-galay kulankaasi waxaanu yidhi “Waxaan ku boorrinayaa dhalinyarada ka soo qayb gashay tababarkam in ay naftooda ka ilaaliyaan tahriibya, mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan sida xashiishadda, khamriga iyo qaadka oo maanta dallkeena meel walba ka soo gala oo ay igu badan tahay xuduuda aynu la wadagno dalka Itoobiya iyo social media-yaha oo maanta dhalinyarada dhibaato wayn ku haya.
Maayarka magaalada Boorama ayaa sidoo kale halkaasi hadal uga jeediyay ka soo qayb-galayaasha tababarkan, waxaanu dhalinyarada u sheegay in uu samayn doono xafiis ka shqeeya badbaadinta xaga nabadgalyada ee dhaliyarada Boorama.

Leave a Reply