Xildhibaan Barkhad Batuun oo Sheegay 82-ka mudane ee Golaha wakiiladdu ka siman Yihiin Kordhinta Mushaharka Ciidamada Qaranka Somaliland

0
673

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, kana mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2022-ka, oo golaha wakiillada uu ka horjeediyay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.

Xildhibaan Barkhad Batuun waxa uu sheegay in 82-ka mudane ee golaha wakiillada Somaliland ay ka midaysan yihiin, sidii ciidamada qalabka sida mushaharka loogu kordhinlahaa.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Miisaaniyad aad u culus ayay ahayd haddana shir’guddoonka goluhu waxa uu u gudbiyay guddidi dhaqaalaha.

Sideedaba aragtida siyaasiga ah xildhibaanadu waa ay ku kala duwan yihiin.

Kordhinta mushaharka ciidamada qalabka sida, oo wasiirku sheegay 20% in loo kordhiyay, balse dareenkaasi waa uu taagan yahay marka la eego duruufahooda, caafimaadkooda, gaadiidkooda, qoysaskooda, weli in uu gaab jiro, in miisaaniyada hoos loogu eego, loona kordhiyo.

Miisaaniyad sannadeedkan dhammaan xildhibaanada golaha Wakiilladdu waxa ay ka siman yihiin kordhinta mushaharadda Ciidamada Qaranka.

Waanan kordhineyna ee ciidankeenu taas ha ku bishaareystaan INSHA ALLAH.

ILLAAHEY waxaan ka rajjeynaya in ciidankeena quruxdiisu sarre u kacdo, waxaan ALLE ka rajjeynayna in midnimada xildhibaanadayada xoojiyo.

Waxaan ALLE ka rajjeynaya in xukuumadda iyo madaxweynahaba xilka ku asturo”

Leave a Reply