Somaliland iyo Taiwan oo Kala Saxeexday Heshiis Tallaal

0
241

TAIPEI (Dawan)- Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafadhi (bidix) ayaa heshiis tallaal ah la saxeexday wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland Wu Chen-chi. Iyada oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Taiwan (MOFA) ayaa Salaasadii 28-kii bishan ku dhawaaqday inay Somaliland ugu deeqayso 150,000 oo Doos oo ah tallaalka Medigen ee ay samaysay dawladda Taiwan (MVC-COV1901).

Iyada oo masiibada COVID-ku ku sii xoogaysanayso ama ku soo  faafayo Afrika, ayay wasaaradda arrimaha dibada Taiwan (MOFA) waxay soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacinayso deeqda. Sii hayaha xafiiska wakiilka Taiwan ee Somaliland Wu Chen-chi iyo wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafadhi ayaa saxeexay heshiis ku saabsan deeqaha tallaalka Taiwan Isniintii (Dec.27).

Warkan oo lagu shaaciyay warbaahitna dalka Taiwan (Taiwan New) ayaa lagu sheegay Sida laga soo xigtay MOFA, Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maalmo ka hor si rasmi ah u siisay Ogolaanshaha Isticmaalka Degdegga ah (EUA) ee Medigen iyada oo ka duulaysa shuruucda iyo siyaasadaha caafimaadka gudaha ee dalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa carrabka ku adkeysay in qaranku ay sii wadaan daryeelka caafimaadka guud ee caalamiga ah iyo arrimaha ka hortagga faafitaanka, ayna diyaar u yihiin inay iskaashi la sameeyaan beesha caalamka  si loo xalliyo dhibaatooyinka caafimaadka adduunka.

Wasaaraddu waxay ballan-qaadday in Taiwan ay ilaalin doonto ruuxa hal-ku-dhigyada ah Caafimaadka Dhammaan, Taiwan way caawin kartaa” oo ay sii wadi doonto inay ka caawiso “wadamada saaxiibka ah” iyo beesha caalamka xoojinta hababka ka hortagga cudurrada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka masiibada.

 

Leave a Reply