“Dekedda Berbera: Waxay Horraysaa Dekeddo Badan oo Caalamka ah”

0
716

Hargeysa (Berbera) Mareeyaha Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay in Dekeda Berbera ay ka horayso Dekedo badan oo Caalamka ku yaala, isla markaana ay dekeda Berbera horumar weyun ka gaadhay wakhiga uu markabku ku baxayo.

Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa waxa uu sheegay in isbadal weyn lagu sameeyay wakhtigii uu taagnaan jiray Markabka Dekeda Berbera iyo hannaankii maraakiibta looga rogi jiray rarka ay sidasan, waxaana uu intaasi ku daray in Dekeda Berbera ay indhaha caalamka ku soo jeedisay Somaliland.

Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sidan ka sheegay tababar u socday lix bilooda  oo  uu u soo xidhay qaar ka mida shaqaalaha Dekeda Berbera. Waxaana uu yidhi “Waxaa farxad weyn noo ah hadaanu nahay Hay’ada Dekedaha Somaliland  in isbadal weyn ku yimid wakhtigii uu taagnaan jiray Markabka Dekeda Berbera, waxaana aanu ka horaynaa Dekedo badan oo Caalamka ka mida xiliga uu markabku ku baxayo”.

Sidoo kale   Mareeyaha Dekedaha Somaliland ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan hantidii  ugu qaalisnayd ee Qaranka Somaliland leeyahay, waxaana uu yidhi “Waxaannu gacanta ku haynaa hantidii ugu qaalisnayd ee Qaranku lahaa, waxaana saddex iyo toban miridh ku baxay Markabkii ugu dambeeyay, waxaana ahmiyad wayn u tahay  guud ahaan Dekeda Berbera taas oo indhaha Caalamka u soo jiiday  Dawlada Somaliland”.

 

Leave a Reply