Boorama: Kulan laga Hadlayay Xaalada Gobolka Awdal

0
349

Boorame (Dawan)- Kulan lagaga hadlayay xaaladda guud ee Gobolka Awdal ayaa shalay ka furmay magaalada Magaaladda Boorama, kulanaas oo ay ka qayb-galeen maamulka gobolka Awdal, isu-duwayaasha wasaaradaha xukuumaddas iyo Hay’addaha dawladeda Somaliland ee gobolkaas.

Guddoomiye ku xigeenka goboka Awdal, iska markaana ah ku simaha badhasaabka gobolkaas, mudane Muumin Muuse Ducaale ayaa shir-guddoomiyay kulankan oo bishiiba mar la qabto, isla markaana lagu gorfeeyo wax ka qabashada hadba xaaladaha taagan iyo horumarinta gobolka Awdal.

Kulankan shalay oo ay ka soo qayb galeen dhammaan masuuliyiinta hay’adasha dawladda Somaliland ee gobolka Awdal ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana meel looga soo wada-jeedsan lahaa gurmadka deegaano dhawr ah oo ay ka jirto abaar iyo biyo la’aan.

Xoghayaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed Duuduu ayaa ka warbixiyay go’aamadii shirkaasi ka soo baxay kadib markii uu dhammaaday kulanku, “ waxaanu soo xidhnay shirkii billaha ahaa ee gobolka Awdal, shirkaasi oo ay ka soo qayb-galaan dhammaan hay’adaha samo-falka ee gobolka ka hawl-gala iyo hay’addaha dawladda Somaliland.”

Xogahayaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Shirkan waxa lagaga hadlay xaaladda guud ee gobolka Awdal, runtii xaalada gobolku aad bay u degentahay, waxaana dawladdu u kala diray kooxo isugu jira wasaaradaha iyo hay’adaha samo-falka, kuwaasi oo u kuurgelaya xaaladda abaareed ee gobolka. Ka hordhici mayno warbixinta guud ee qaranka, laakiin shirkan waxa ka soo baxay , in xaalada deegaanada qaar ay aad u liitaan, anaga oo ku baaqayna in si deg deg ah gurmad iyo biyo dhaan loola gaadho.

Sidoo kale, waxaa lagu ballamay shirka dambe in ay ka soo qayb galaan dhammaan maayarada degmooyinka ee gobolka Awdal ay ka soo qayb-galaan si ay meesha uga baxdo oo looga maarmo hay’adaha iskood isaga tagaya degmooyinka, iyada oo ay mararka qaar dhacdo in hay’adaha wax caawinayaa ay hal meer ku laba jeer noqdaan iyada oo ay jiraan kuwo kale oo baahan.”

 

 

 

Leave a Reply