Ciidan Birmadka ka Geeriyooday oo Xaasaskii iyo Carruurtii ay ka Baxeen loo Dammaanad Qaaday Xaquuq

0
495

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Gobalka Sool Md. Cabdikariin Aadan Diiriye, Taliyaha Aaga Barri ee Ciidamadka Qaranka Somaliland, General Cali Bare, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool, Saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo shacab ayaa ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey qaar ka mid ah ciidamada Birmadka Booliska oo doraad ku geeryooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka degmada Yagoori ee Gobalka Sool.

Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sarreeye Guuto Maxamed Adan Saqadhi ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen afar askari oo Ciidanka Birmadka oo ku dhintay shil gaadhi, kana tacsiyadeeyey ciidanka Booliiska iyo ummada Somaliland iyo Islaamka ay ka baxeen, isla markaana, askarta dhaawaca Ilaahay SW uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Taliska Ciidanka Booliiska JSL oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay xuquuqdoodii socon doonto ciidanka hawlgalka ku jiray ee shilka ku geeryooday, oo mujaahidiin nool loola macaamilo, isla markaana ay qaadan doonaan ehelkooda, ubadkooda iyo xaasaskooda.

Taliyaha Hawlaha Ciidanka Booliiska JSL G/Sare Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in doraad ciidan hawlgal ku jiray uu gaadhigii shil kula galay agagaarka Degmada Yagoori, isla markaana ku dhinteen 4 askari oo ciidanka Birmadka ah, halka 7 askari uu dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen shilka.

Taliyaha Hogaanka Hawlaha G/S Ibraahim ayaa sheegay in xuquuqdii askarta dhimatay oo mujaahidiin nool loola macaamilo ay qaadan doonaan qoysaskooda, haweenkoodii iyo ubadkii ay ka tageen.

 

 

 

 

Leave a Reply