“Taabshada xildhibaanada aanu Walaalaha nahay si masuuliyad leh Ayaa looga Jawaabi” Maayirka Burco

0
407

Burco (Dawan)- Maayirka Degmada Burco Md. Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi “Hero” ayaa shaaca ka qaaday inay si wanaagsan oo masuuliyad leh looga jawaabi doono tabashada xildhibaanada walaalaheen, isla markaana bogaadiyey hanaankii ay ugu midoobeen horumarka magaaladooda.

Maayir Md. Cabdirisaaq oo kalmad ka jeediyay madal ay shalay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Qeybta Booliska Gobolka Togdheer G/le Axmed Guutaale & Taliyahii hore ayuu sheegay inuu bogaadinayo wada shaqeyntii wanaagsanayd ee u dhexeysay Taliyahii Hore G/Sare Maxamed Nuur Faarax, una rajeynayo guul.

Waxuu sidoo kale soo dhoweeyey Taliyaha Cusub G/Le Axmed Guutaale oo uu sheegay inaanu ku cusbayn Gobolka Togdheer, laakiin, mudooyin badan ka soo shaqeeyey.

Maayirka Burco Md Cabdirisaaq ayaa ka codsaday Taliyaha cusub ee Qeybta Booliiska Burco in rugtii DH Burco ku taalay dib loogu soo celiyo, isla markaana waxuu amaanay wada shaqeynta u dhexeysa Maamulka Gobolka Togdheer iyo Ciidanka Booliiska, waxaanu yidhi,

“Dawlada ayey ka bilaabmataa wada shaqeyntu, intaan la gaadhin Shacabka iyo dawladda.”

Maayirka Burco Md. Cabdirisaaq ayaa bogaadiyey shacabka magaalada Burco, ugu baaqay inay soo dhoweeyaan Taliyaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Togdheer, isla markaana Dawladda laamaheeda kala duwan iyo ciidanka Booliiska si wanaagsan ula shaqeyaan, isagoo yidhi,

“Shacabku waxay muujiyeen inay Burco leeyihiin, una baahnay inay is-eego, laakiin meel wada eegto.”

Maayir Md. Cabdiqaadir ayaa shaaca ka qaaday inay dhegeysanayaan talada dadka horumarka magaalada ka hadlaya, isla markaana hore-loo-soconayo, loona baahnayn inay hareeraha am dib eegaan, waxaanu yidhi,

“khilaaf wuu dhacaa, laakiin, wax khilaaf ah oo Golaha Deegaanka Burco xilligan dhexyaala ma jiraan. Waxaan Ilaahay ugu dhaaranayn inaan daacad ugu shaqeyno shacabka Burco, waxii xildhibaanadu tabanayaan golaha dhexdiisa lagu xalinayaa.”

Waxuu sheegay inay gobanimada ka mid tahay in qofku wax diido, taana in golaha dhexdiisa lagu xaliyo ayey mudan tahay,

“Si wanaagsan oo masuuliyad leh ayaa looga jawaabayaa tabashada xildhibaanada walaalaheen.

Waxuu ka codsaday Ciidanka Booliiska inay la shaqeeyaan Golaha Deegaanka Burco, isagoo sheegay inaan Maayirka boolal ugu xidhnayn kursiga, waxaan Ilaahay ugu dhaaranay inaan daacad ugu shaqeyno shacabka Burco.

 

 

 

Leave a Reply