Qore Xuseen Cali Nuur
Dhaqankeenna iyo taariikhdu waxay ina barayaan in dal, shacbi iyo qof mid kastuu yahay, waxa uu goostaa waxa uu beerto. Waxaanu beeranina inkastuu ku riyoodo waa mid aanu heli karin. Waxay taasi tahay in qof kastaaba midhaha uu helaa ay ku xidhan yihiin tacabka uu galo.
Soddon sanno marka la eego, laguna qiyaaso qofka cimrigiisa waa muddo dheer. Hase ahaatee marka lagu cabiro jiritaanka qaran waxay noqonaysaa mid aad u yar.
Jamhuuriyadda Somaliland muddo soddon sannadood ah marxaladaha qalafsan iyo duruufo adag oo ay soo martay waxa ka mid ahayd cunaqabatayn dhaqaale oo ay ka mid yihiin xayiraadii xoolaheenna iyo go’doomin siyaasadeed oo midabyo kala duwan leh.
Shacabiga Somaliland wuu u dhabar adaygay dhibaato kasta oo soo marta si uu u xaqiijiyo, waxa uu u soo halgamay inuu ku noolaado dal xor ah oo aanay ciddina ugu talin. Waxa uu u muujiyey caalamka inuu u qalmo helitaanka aqoonsiga xornimadii uu la soo noqday.
Dedaalka wadajir iyo midnimo ee shacbi, xukuumad iyo axsaab ay muujiyeen, marar badan oo kala duwan ayey duniddu hambalyo iyo bogaadin u soo dirtay. Taasi may noqon mid Jamhuuriyadda Somaliland ay ku hesho tixgelin.
Duruufaha caalamka waxa had iyo jeer ku dhaca isbeddelo. Waxana ka mid ah in Jamhuuriyadda Somaliland qaab dhaqankeeda iyo deegaankeedu ahmiyadda ay leedahay duunida ay gaadhay heerkii ugu sareeyey, intii ka dambaysay dagaalkii qaboobaa ee labada quwadood ee waaweyn dhammaadkiisii ka dambeeyey.
Arrimaha isbeddelay waxa ka mid ah booqashadii weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Ciise Keyd uu ku tagay dalka Maraykanka. Socdaalkan waxa uu kaga duwanaa socdaaladii ka horeeyey oo dhan, qaabka loo soo dhaweeyey iyo kulamadii kala duwanaa ee Xukuumad iyo Hay’ado dalka Maraykanka ah uu kula kulmay.
Waxa kale oo uu safaradii hore kaga duwan yahay, in xilligan wefti ka socda dalka Maraykanku socdaal maalmo qaatay uu ku yimid JSL. Weftigaas oo la kulmay Madaxweynaha, Goleyaasha qaranka, Axsaabta siyaasadda,isla markaana goobo kala duwan oo dalka ka tirsan soo booqday, si uu xaaladda dhabta ah ee JSL u ogaado.
Booqashooyinkani waxay dhaceen wakhti baarlamaanka, ama Congress-ka Maraykanka labadiisa aqal, labada guddi ee u qaabilsan arrimaha dibadda iyo difaacu ay isku raaceen in wax ka beddel lagu sameeyo xeerka difaaca qaranka Maraykanka.
Isbeddelka xeerka waxa ka mid ah qoddob caddaynaya in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Maraykanku yeeshaan iskaashi dhinacyada difaaca iyo nabadgelyada. Iskaashigaas oo aan wax xidhiidh ah habayaraatee la lahayn ka Maraykanku la leeyahay Soomaaliya.
Isbeddelkan waxa la sameeyey wakhti Maraynkanku ciidankiisii Soomaaliya joogay kala baxay, isla mar ahaantaana joojiyey tababaradii uu siin jiray ciidanka dalkaas aan deriska nahay ee Soomaaliya.
Xeerkan dhaqangalkiisu wuxuu sii adkaynayaa xeer ka horreeyey oo loo yaqaan Tipei Act ama xeerka Tipei oo ahaa xeer iskaashi difaac oo u dhexeeyey Maraykanka iyo Taiwan iyo cidda ay la xidhiidhaan.
Waxaan leeyahay isbeddelkani xeer marka la ansixiyo wuxuu faa’iido u yahay Jamhuuriyadda Somaliland, Maraykanka iyo xulafadiisa. Sidoo kale wuxuu xoojinayaa xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan oo maalinba maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya.
Waxay ila tahay inkastoo aan xeerkan ku xusnayn aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u arkaa inuu yahay furihii lagu furayey albaabka aqoonsiga. Waxaan leeyahay “dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa”