Horyaalka Horyaallada: Dawladda Hoose Boorama oo ku Durdurisay Kooxda Goodir Gabiley

0
521

Ciyaarta horyaalka horyaallada ee Somaliland ee galab shalay ayaa waxa isku waajahay kooxaha dawladda hoose ee degmada Boorama iyo kooxda Goodir Gebilay.

Ciyaartan oo ahayd mid xamaasaddeeda iyo xiisaheeda wadatay ayaa waxa qaybtii hore ee ciyaarta ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub, isagoo mid waliba uu ku dedaalayay sidii uu goolal uga dhalin lahaa dhiggiisa kasoo horjeeda, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta u suurogashay kooxdii ku ciyaaraysay magaca Dawladda hoose ee degmada Boorama inay goolkoodii koowaad ku ruxaan shabagga Goodir Gebilay, goolkaasoo ciyaarta geliyay xamaasad iyo dardar hor leh.

Markii qaybtii dambe ee ciyaarta la iskugu soo noqday ee koox waliba ay lasoo tashatay macalinkeeda layliya ayaa waxa kooxda dawladda hoose ee degmada Boorama ay dhaliyeen goolkoodii labaad, taasoo ciyaarta ka dhigtay laba gool iyo waxba, waxaana kooxda Goodir Gebilay ay dedaal kasta ku bixisay sidii ay iskaga soo gudi lahayd goolasha lagu leeyahay, balse wax natiijo ah kamay keenin ciyaarta, iyadoo kooxda dawladda hoose ee degmada Boorama ay u saddaxaysay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Waxaana ciyaartii galabta ee horyaalka horyaallada Somaliland guul muhiim ah gaadhay, kooxda dawladda hoose ee degmada Boorama, kaddib markii ay ku durdurisay Goodir Gebilay oo ay kaga adkaatay Saddex iyo Waxba.

Leave a Reply