Shan Xiddig oo Difaaca Bidix ka Ciyaara oo ay Chelsea Bartilmaameedsanayso

0
362

Ka dib markii ay chelsea xaqiijisay in uu xiddiga Ben Chilwell mari doono qaliin jilibka ah waliba garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kooxda chelsea ayaa haatanba bilowday raadinta badalkiisa iyaga oo isha ku haya 5 xiddig oo ka ciyaara daafaca Bidix si ay ugu buuxiyaan booska Ben Chilwell wakhtiga soo socda.

Xiddiga Ben Chilwell oo 25 jir ah ayaa ku dhaawacmay kulankii Juventus ee bishii November waxana uu haatan isku diyaarinayaa in uu qaliin maro si uu uga soo kabsado dhaawaca halista ah.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay chelsea isha ku hayso 5 xiddig oo ka ciyaara daafaca Bidix si ay ugu buuxiyaan booska Ben Chilwell marka uu furmo suuqa January bisha soo socota.

Xiddiga kooxda Everton ee Lucas Digne, xiddiga kooxda Ac Milan ee Theo Hernandez, Xiddiga kooxda Atalanta ee Robin Gosens, Xiddiga kooxda AJax ee Nicolas Tagliafico iyo xiddiga kooxda Brighton ee Marc Cucurella ayaa ah xiddigaha bartilmaameedka u ah kooxda chelsea.

Leave a Reply