Amar ay Hore u soo Rogtay Xukuumadda Somaliland oo Dhaqan’galay.

0
727

Hargeysa (Dawan) Amar ay hore u soo saartay xukuumadda Somaliland ayaa dhaqan galay, kaas oo la xidhiidhay adeegga fariimaha xambaarsan, ee xayaysiisyada shirkadaha isgaadhsiintu u diraan macaamiisha.

Waxaana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo uu bartiisa xidhiidhka bulshada ku baahiyay wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada, mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi Jibriil.

Waxaanu ku yidhi qoraalka.“Waxa si toos ah u dhaqangalay 01/01/2022 wareegtadii wasaaradda ee lagu nidaaminayey adeegga fariimaha xambaarsan xayaysiisyada ee shirkada isgaadhsiintu u diraan macaamiisha, iyada oo shirkadaha isgaadhsiintu macaamiishooda la wadaagi doonaan habka ay u marayaan helidda iyo xidhidda adeegga fariimaha.

Haddaba, waxa Wasaaraddu bulshada la wadaagaysaa in ay kala socdaan shirkadaha isgaadhsiinta wixii faahfaahin ah ee arrinkaas la xidhiidha.”

Leave a Reply