Maxaa mar kale soo cusbooneysiiyay xiisadda u dhaxeysa ururka Xamaas iyo Israa’iil?

0
608

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa xalay duqeymo ka geystay qeybo ka mid ah marinka go’doonsan ee Qasa.

Weeraradan ayay Israa’iil sheegtay in ay uga jawaabeyso gantaallo Sabtidii shalay ahayd la sheegay in ay soo tuureen ururka reer Falastiin ee Xamaas.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa goob ay sheegeen in dagaalyahannada Xamaas ay u adeegsan jireen samaynta gantaallada oo ku taal koonfurta Qasa.

Israa’iil oo mar kale duqaysay Qaza kaddib maalmo xaalku degganaa

Israa’iil iyo Falastiin oo heshiis xabbad joojin gaaray

Wuxuu intaasi ku daray in duqeymahaasi ay geysteen kaddib markii ay u digeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaankaasi.

Taangiyada ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale rasaas oodda uga qaaday fariisimo ay Xamaas ku leeyihiin waqooyiga marinka Qaza.

Idaacad ku hadasha afka ururka Xamaas ayaa sheegtay in diyaaradaha iyo taangiyada Israa’iil ay beegsadeen qaar ka mid ah fadhiisimaha iyo xero tababar oo ururkaasi uu ku leeyahay marinka Qasa.

Ilaa haatan lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeymahaasi Israa’iil ay ku qaaday deegaannadaasi Falastiyiniinta.

Shalay oo sabti ah ayaa sida la sheegay labada gantaal oo laga soo riday dhanka Qasa waxa ay ku dhaceen Badda magaalada Tel Aviv. Ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalladaasi.

Ilaa haatan ururka Xamaas ma uusan sheegan mas’uuliyadda labadaasi gantaal, haseyeeshee dagaalyahannada ururkaasi ayaa horey looga bartay in ay gantaallo tijaabo ah ku ridaan dhanka Badda.

Xudduudda Israa’iil iyo Qasa ayaa ahayd mid aad u deggan tan iyo markii la soo afjaray dagaalkii socday 11 maalmood ahaa bishii May ee sanadkii hore.

Balse arbacadii la soo dhaaftay ayaa duqeymo ay geysteen taangiyada ciidamada Israa’iil waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo Falastiyiniin ah. Weerarkaasi ayaa la sheegay in Israa’iil ay uga jawaabeysay rasaas laga soo riday dhanka Falastiyiniinta Qasa.

Israa’iil ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii go’doon ku haysay marinkaasi Qasa oo ay ku nool yihiin dad sabool u badan. Ururuka Xamaas ayaa la wareegay xukunka marinkaasi sanadkii 2007-dii.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2021 ayaa ururka Xamaas waxa uu muddo 11 maalmood ah dagaal xooggan uu kula jiray ciidamada Israa’iil, kaddib xiisad ka dhalatay magaalada Qudus.

Xabbad-joojin aan cago buuxa ku taagnayn ayaa intaa kaddib ka hirgashay marinka Qasa, tan iyo xilligaasina ilaa shan gantaal ayaa laga soo riday dhanka Qasa, sida lagu sheegay warbixin uu dhawaan soo saaray milatariga Israa’iil.

Leave a Reply