Mudane Guurtida ka Tisan oo Daboolka ka Qaaday in 300-ku oo dollar laga Lunsaday Cisbitaalka guud ee magaalada Burco

0
570

Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Axmed Dirir Cali, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in lala baxay qadar lacageed oo dhan 300-kun oo dollar oo sannadkii 2018-kii miisaaniyada loogu daray cusbitaalka guud ee magaalada Burco.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in aanu garanayn cidda la baxday, cidda qandaraaska lagu siiyay inay ku soo iibiso alaabta loogu talo galay cisbitaalka iyo cidda ka hubbisay midna.

Waxaa uu labada gole ee guurtida iyo wakiillada ugu baaqay in ay arrintaasi ka dabatagaan, soona baadhaan halka lacagtaasi ku danbaysay.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Gobolka Togdheer waxa ku yaala cusbitaal weyn, waana halka la keeno ciddii waxba laga qaban kari waayo ee gobollada bariga Somaliland ah.

Waxa uu xarun u yahay saddexda gobol ee barriga, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Cusbitaalka xabad daawo ahi ma taalo, CT Scan ma yaalo, MIR ma yaalo, xata waxa la sheegay in aanu XR’gii aanu shaqeynayn.

2018-kii ayaa saddex boqol oo kun oo dollar (300000-kun oo dollar miisaaniyada loogu daray, lacagtii waalala baxay, cisbitaalkiina waxa la geeyay wax meelo kale laga soo ururiyay oo qashin ah, ayaa inta koontiiner laga soo buuxiyay sidii ayay koontinerkii ugu jiraan, sababto ah haddii ay shaqeynayaan oo ay waxtarayaan waala soo saarilahaa, lagamana xisaabtamin, ma garanayo lacagtaasi sida loola baxay, mana garanayo cidda la baxday, mana garanayo cidda qandaraaska lagu siiyay alaabtaasi, mana garanayo cidda ka hubisay.

Haddaba arrintaasi waxa ay leedahay xisaabtankeeda, waxaanay u taala labada gole ee guurtida iyo wakiillada, inay waajibkooda qabsadaan, shaqadoodu maaha inay kooramka buuxiyay deetana doodaan, balse waxa weeyaan waxa jira in hoos loo eegaa, isla markaana dabagal lagu sameeyo musuq maasuqa dalka ka jira”

Leave a Reply