Xukuumadda Somaliland oo baaq kasoo saartay Dagaal ka dhacay gobolka Sool

0
643

Laascaanood (Dawan) – Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Saax-maygaag ee gobolka Sool, dagaalka ayaa sababay dhimashada ilaa 7 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah, tirro kalena way ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland aad uga xun tahay dagaalka, isaga oo ku baaqay in maamulka Puntland kala shaqeeyo daminta colaada, madaama oo beelaha dagaalamay midkood ay Puntland dagan tahay.

Waxaanu yidhi.”Aad iyo aad ayaan uga xumahay qaska iyo qalalaasaha iyo dhimashada joogtada ah ee ka socota deegaankan ku dhaw degmada Bocame, oo ku jirta xuduuda Jamhuuriyadda Somaliland, saacada imika aanu hadlayno dowladda Somaliland waxay ugu baaqaysa masuuliyiinta labada dhinacba in arrintaa qalaanqal keeda la afjaro, ”

Wasiirka ayaa tibaaxay in shicibka dagan dhinaca Somaliland lasoo weeraray, wuxuuna ku baaqay in weerarka la joojiyo.

Waxaanu yidhi.”Dowladda Somaliland-na waxaanu caddaynaynaa in aanay dagaalkaa meelna lug kaga lahayn, shicibka ka tirsan Somaliland waxaanu qabnaa in meesha lagu soo weeraray, waxaanu jecelnahay in weerarka laga daayo”

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne  Biixi iyo madaxweyne Dani ay ka wada hadleen sidii loo dajin lahaa dagaalka waxaanu yidhi. “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Dani way wada hadleen”

“Waxaanu soo jeedinaynaa maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland labada qoloba in aanu ka shaqayno arrinta maamulka”.Ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Gobolka Sool ayaa ah gobol ay halakeeyeen dagaal beeleedyo marka la bar bar dhigo gobollada kale ee Somaliland, iyadoo sannad kasta ay ka dhacaan dagaalo qabiil sal ku leh.

Wasiir Kaahin iyo saraakiil kale ayaa dagaalkan ka hor gobolka u joogay xasilinta colaad beeleedyo kale.

Leave a Reply