Su’aalihii ugu badnaa ee Google la weeydiiyay 2021-kii

0
742

Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday liiska qaar kamid ah su’aalihii ay dadka weeydiyeen boggeeda Internet-ka, arrimahan oo muujinaya sida ay xaaladdu aheyd sanadkii tagey ee 2021-ka.

Shirkadda weyn ee bixisa adeegyada teknoolajiyadaa ayaa ah goobta ugu caansan ee bixisa jawaabta su’aal kasta oo ay dadka weeydiyaan iyo mowduucyada kale ay dadka xiiseeyaan si ay wax uga ogaadaan.

Sanad adag

Markii uu cudurka Karona ku baahay dunida oo la galay sanadkii 2021-ka, dadka waxay weeydinayeen Google ereyga ‘doomscrolling’, oo ah kelmed Ingiriisi ah oo macnaheedu yahay “in la arkayo war aan fiicnayn”.

Shirkadda Google ayaa sheegaysa in la weeydiyay kelmadda ‘doomscrolling’ marar badan marka loo barbardhigo sanadihii hore, dad badan ayaa kelmadda ka baarayay Google, bishii January ayaa ugu sarreysay.

Dunida waxaa sanadkii lasoo dhaafay si ba’an u saameeyay Covid-19, jawhareer iyo hubaanti la’aan ayaa ka dhashay, dalalka waxay xireen xudduudaha, waxaana hakad galay duulimaadyada, dalalka waxay ku dhawaaqeen bandoo looga hortaggaayo fiditaanka cudurka.

Dadka waxay ku wada jireen internetka iyagoo xog ka raadinaya halkaas.

Walaaca dhanka xanuunka dhimirka

Sanadkii 2021-ka, waxay dadka weeydinayeen kelmada ‘caafimaadka dhimirka’ kadib kalinimadii iyo muragadii ka dhalatay xayiraadda covid-19, dadka qaar wuxuu cudurka ka dilay xubnaha qoyskooda.

Dadka adduunka ku nool waxay waydiinayeen Google ‘sida loo daweeyo burooyinka maskaxda’ in ka badan sidii hore.

Dadka arrimaha caafimaadka kaliya ah ma aysan weeydineynin Google balse waxay sidoo kale weeydinayeen saameynta ka dhalatay isbaddallada cimilada sida duufaannada iyo dabka baabi’iyay keymo ku yaalla dunida.

Marka loo eego xogta Google-ka, dadka waxay weeydinayeen sida loogu noolaan karo duni nadiif ah abid.

Dadka deggan magaalooyinka iyo buuraha waxay raadiyeen macluumaad ku saabsan ‘saamaynta isbeddelka cimilada’ marka loo barbardhigo sanadihii hore.

Waxyaabaha ay dadka si weyn uga raadinayeen Google waxaa kamid ah xogta la xiriirta jasiiradda Fiji oo uu si xun u saameeyay isbeddelka cimilada.

Arrimaha dhaqaalaha

Dadka waxay Google weeydinayeen sida ay shaqo ku heli karaan

Dadka waxay inta badan ka walaacsanayeen shaqadooda iyo dhaqaalahooda kadib jahwareeka dhaqaale ee uu sababay cudurka Karoona.

Sanadkii 2021-ka, dadka waxay weydinayeen Google, “”sida loo bilaabi karo xirfad cusub” iyo “qaababka shaqo loo heli karo”

Dalka Mareykanka oo kaliya, in ka badan afar milyan oo qof ayaa shaqooyinkoodii waayay bishii Oktoobar, sida lagu sheegay xog laga helay waaxda shaqada ee dalkaas.

Kadib saameyntii dhaqaale ee ka dhalatay safmarka covid-19, dadka waxay bilaabeen in si taxaddar leh ay u darsaan sidii ay u baddalan lahaayeen xirfadahooda shaqo.

Leave a Reply