Degaanka Buqdhada oo laga Hirgeliyey Ceel Biyood Casri ah

0
301

Gebiley (Dawan):-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Siciid Maxamed Jibriil ayaa xadhiga ka jaray ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Buqdhada ee gobolka Gebilay.

Ceelkaas ayaa waxa hirgelisay hay’adda waddaniga ah ee Taakulo, iyadoo si rasmi ah ugu wareejisay Wasaaradda Biyaha ee Somaliland, waxaanay sheegtay hay’addu in si casri ah uu u dhisan yahay ceelkaasi, isla mar ahaantaana ay ka cabbi doonaan dadka deegaanka oo dhan.

Waxaana mas’uuliyiinta hay’adda waddaniga ah ee Taakulo ay sheegeen in ballac ahaan uu ceelku yahay 48 Mitir, isla markaana uu kafayn doono suququlkii dhinaca biyaha ee ka jiray deegaanka.

Mooge agaasimaha waaxda biyaha ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland ayaa sheegay in durba dadkii biyo la’aanta uga hayaamay deegaankani ay dib u soo noqonayaan, isla mar ahaantaana uu ceelkani rejo fiican geliyay dadka deegaanka oo dhan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Biyaha ee somaliland Siciid Maxamed Jibriil iyo badhosaabka gobolka Gebilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in ceelkan ay kaga baaqsan doonaan dadka deegaanku biyo la’aanta iyo abaaraha soo noqnoqda ee had iyo goor ka dhaca deegaanka, waxaana ay tilmaameen inuu wax weyn uu u tari doono dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanka Buqdhada ee gobolka Gebilay.

Leave a Reply