Dr. Cabdiraxmaan oo Faah faahiyay  Adeeg’bixinta Caafimaad ee Shaafi Hospital

0
736

Hargeysa (Dawan) Dr Cabdiraxmaan Khaliif Oomaar, oo ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland isla markaana ka hawl gala Cisbiaalka gaarka ah ee Shaafi oo dhawaan laga furay degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ka war bixiyay, adeegyada caafimaad ee Cisbitaalka Shaafi uu bulshada u qabto.

Dr Cabdiraxmaan ayaa sheegay in cisbitaalku ka kooban yahay qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaad ee kala ah daawaynta cudurada guud,qalliinka guud, dawaynta cudurada carruurta iyo haweenka iyo dhalmada iyo qalliinka haweenka.

Dr Cabdiraxmaan oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa isagoo ka hadlaya adeegyada caafimaad ee ay bulshada u qabtaan waxaa uu yidhi. “Cisbitaalka Shaafi wuxuu la mid yahay uun cisbitaalada kale ee magaalada ku yaalla laakiin wuxuu kaga duwan yahay eeriyada uu ku yaallo oo aan lahayn cisbitaal bulshada u adeegga. Cisbitaalku waa cisbitaal dhammaystiran waxaanu ka kooban yahay dawaynta  xannuunada hooyada iyo dhalmada iyo qalliinka hooyada,qalliinka guud, shaybaadhka Kombiyuutarka iyo daawaynta cuduruda guud. Markaa Cisbitaalku wuxuu u adeegaa qaybo badan oo dadweynaha caasimadda ah oo aanay u dhawayn cisbitaallo ay adeeg bixin caafimaad ha helaan,waxaa kale oo nalooga yimaadda deegaano badan oo ka baxsan caasimadda Hargeysa oo ay illaa ka mid yihiin  deegaano badan oo ka tirsan gobolka Togdheer. Waxaa  kale oo adeeg bixinta caafimaad ee Shaafi Hosbital looga yimaadda deegaanada miyiga ah ee hawdka Maroodijeex.”

Dr Cabdiraxmaan ayaa intaa raaciyay in ay diyaar u yihiin in ay bulshada u adeegaan  gacan n aka geystaan baahiyaha adeegyada caafimaad ee dalka ka jira.

Dhinaca kale Suldaan Maxamed Xaaji Siciid,ayaa sheegay in Cisbitaalka Shaafi oo moddo kooban furnaa in uu yahay cisbitaal aad loogu diirsaday bulsahduna ka heshay adeegyo ay u baahnayd,waxaanu ku bogaadiyay dhakhtar Cabdiraxmaan iyo Dhakhaatiirta kale ee ka hawl gala sida naxariista leh ee ay bulshada ugu adeegaan

 

Leave a Reply