Wasiirka Maaliyadda oo Dhaqan Geliyay Hab-raaca Addeegsiga Miisaanka Casriga ee Kastamadda Kalabaydh iyo Abaarso

0
271

Dhaqan Gelinta Hab-raaca Addeegsiga Miisaanka Casriga Ee Kastamadda Kalabaydh iyo Abaarso

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa wareegto wasiir ku dhaqan geliyay hab-raaca addeegsiga Miisaanka casriga ah ee kastamadda Kalabaydh iyo Abaarso.

Miisaankaasi oo ah mid casriya ayaa loogu tallo galay in ay isticmaalaan gawaadhida Qaadka keenna dalka Itoobiya marka lagu cashuurayo kastamyadda magaalooyinka Kalabaydh ee gobolka Gabiley iyo Abaarso ee gobolka Maroodijeex.

Wareegtadaasi uu wasiirka Maaliyadu ku dhaqan geliyay addeegsiga Miisaankaasi casriga ah oo shalay soo baxday, oo nuqullo ka mid uu helay wargeyska DAWAN,  ayaa lagu faahfaahiyay sababta keentay in labadaasi kastam laga hirgeliyo Miisaankaasi iyo faa’iidadda uu leeyahay ba.

Waxaanu wasiirku wareegtadaasi ku socodsiiyay in ay dhaqan geliyaan maamulaha kastamka Kalabaydh, maamulaha kastamka Abaarso, agaasimaha waaxda kastamadda, agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda, iyo taliyaha ciidanka booliska ee ilaalinta cashuuraha.

“Wasaaradda horumarinta maaliyadu waxay dib u habayn iyo casriyay ba ay ku samaysay nidaamka maamulka kastamadda dalka, ee dhinacyadda hab raaca cashuuraha, dhokumantiyadda, systemyadda maamulka kastamyadda, wakhtiga la bixista badeecadaha ee goobaha kastamyadda iyo guud ahaanba horumarka dhinaca daabaqaadda xeerka kastamadda Somaliland ee xeer Lr. 72/2016.

Kastamyadda Kalabaydh iyo Abaarso waxay ka mid yihiin meelaha horumarka laga sameeyay, dhinacyadda dib u habaynta maamulka, system-ka maamulka cashuuraha, hab-raacyadda cashuur bixinta, dhismeyaasha iyo tayaynta dhaqaalaha”.

“Hadaba waxaa lagu rakibay kastamyadda Kalabaydh iyo Abaarso, laba Miisaan, oo ah Miisaanno casriya oo loogu tallo galay in ay miisaamaan culaysyadda gaadiidka xamuulka ah. Kuwaasoo fududayn doona wakhtiga ay ganacsatadda ku qaadato miisaanka Qaadka, sidoo kalena muhiimad weyn u leh dakhli kordhinta ka timaadda addeegsiga miisaankani casriga ee ay goobahani yeeshaan.

Waxaana lala socod siinayaa, maamulaha kastamka Kalabaydh, maamulaha kastamka Abaarso, agaasimaha waaxda kastamadda, agaasimaha guud, wasiir ku-xigeenka, taliyaha ciidanka booliska ee ilaalinta cashuuraha. Hab-raaca addeegsiga Miisaanka casriga ah ee kastamadda Kalabaydh iyo Abaarso”.

Geesta kale wasiirka Maaliyadu waxa uu wareegtadaasi ku soo qaaday dhinaca Xamaaliinta muruq maalka ah ee  ka hawl galla kastamyadda Kalabaydh iyo Abaarso, iyadoona maalmahanba ay cabasho ka soo yeedhaysay Xamaaliinta Qaadka ee kastamka Kalabaydh.

Waxaana wareegtadaasi lagu sheegay in shaqaalaha Muruq-maalka aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Miisaankaasi casriga ah, iyadoona Xamaaliintu ay shaqadoodda u wadan doonaa sidii hore, iyagoo u qaabilsanaan doona kala roggista, gaadiidka kala wareegaya iyo tirinta Baagag walba oo maraya miisaanka.

Khidmadda muqur-maalka ama xamaaliinta, ee looga qaadi jiray ganacstadda Qaadleyaasha waxba iskama bedeli doonaan, waxayna ahaan doontaa sideedii hore.

“Muruq-maalka waxay shaqadoodda u wadan doonaa sidii hore, iyagoo u qaabilsanaan doona kala roggista, gaadiidka kala wareegaya iyo tirinta Baagag walba oo maraya miisaanka.

Khidmadda muqur-maalka ama xamaaliinta, ee looga qaadi jiray ganacstadda Qaadleyaasha waxba iskama bedeli doonaan, waxayna ahaan doontaa sideedii hore”.

Dhinaca kale waxaa wareegtadaasi lagaga hadlay ganacsatadda Qaadleyaasha iyo faa’iidadda uu Miisaankani u leeyahay. “Waa in Qaadleyaashu ay gaadiidka iyo badeecadaha ba mariyaan miisaanka casriga ah, ee ay gaadiidku fuulaan si loogu fududeeyo shaqadoodda wakhti badanina ugu tashiilmo”.

Leave a Reply