Masuuliyiin kala Duwan oo Hortagay Golaha Wakiillada Somaliland

0
506

Hargeysa (Dawan) Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee golaha wakiillada, ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha guddida qandaraasyada Qaranka iyo xubin ka mid ah koomishanka maamul wanaaga ee dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay.

Ujeedada kulankan oo ahaa ansixinta guddoomiyaha iyo xubinta koomiishanka Maamul-wanaaga ah ka hor intaan golaha la horgayn si ay u ansixiyaan.

Kadib waraysi ku saabsan sooyaalkiisa shaqo  iyo aqoontiisa oo ay la yeesheen, waxay ku guddidu isku raacday inay ku qanceen aqoonta iyo kartida masuuliyiinta guddida hortimid ee Madaweynuhu soo magacaabay, isla markaana isku raacay ansixintooda, si goluhu waajibkiisa dastuuriga ah  uga Guto.

Leave a Reply