Xisbiga Kulmiye oo sheegay in WADDANI u tafaxaytay ficillo dhagaraysan iyo sharci jebin

0
577

“shacabka reer Somaliland way ka korreen oo cidna ka aqbali maayaan maanta siyaasi ku muusenaaba oo dantiisa ku gaadha iyo kursi qalaallaase…”

“Xisbiga Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in la furro ururrada, in dimuquraadiyada JSL korto”
“Xirsi basharkuu kamid yahay, Basharkuna macsuun maaha”

“Hadallada noocan ah ee (Xirsi iyo Cirro ) waxay caddeynayaan in xisbiga WADDANI u tafaxaytay waxyeellayn iyo kicin bulshada ah inuu sameeyo”Guddoomiyaha Kulmiye ee G/Togdheer

Qore. Saleeban Kalshaale
Burco(Dawan)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Mukhtaar Axmed Cali, ayaa ku eeddeeyey xisbiga WADDANI inuu u ban-baxay fawdo iyo sidii uu shacbiga jamhuuriyadda Somaliland u dhex dhigi lahaa qorsheyaal dhagaraysan oo liddi ku ah nabad-gelyada iyo midnimada qaranka, xilli uu shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Burco Jimcihii maanta.
Mukhtaar Axmed Cali waxa kale oo uu masuuliyiinta xisbiga WADDANI socdaalkooda magaalada Burco ku sifeeyey muusanoow siyaasaddeed iyo qas-abuur, isagoo sidoo kale ka hadlay mowqifka xisbigiisa ee ku wajahan furida ururrada siyaasadda, doorashada madaxtooyada iyo doodda ku saabsan talaabada ay hay’adda amnigu su’aallaha ku waydiiyeen guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan todobaadkii hore.
Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “safarka masuuliyiinta xisbiga WADDANI ku yimaadeen gobolka Togdheer waxaan u aragnaa inuu daaran yahay musannoow siyaasaddeed iyo dabinno dhagaraysan oo lagu waxyeellaynayo degenaanshiyaha iyo amniga Jamhuuriyadda Somaliland, sida ka muuqata hadallada ay mar walba ku soo celcelinayaan. sida “way furan yihiin madaxweyneyaashu ee yidhi Murrashaxa Cabdiraxmaan Cirro iyo hadalka Xirsi ee uu ku yidhi “waxaanu kugu caawinaynaa buuq iyo xisbiga WADDANI ma sii eeggan karo.
Hadallada noocan ah ee (Xirsi iyo Cirro ) waxay caddeynayaan in xisbiga WADDANI u tafaxaytay waxyeellayn iyo kicin bulshada ah inuu sameeyo. ragga sharciga iyo qaranimada Somaliland hadallada ka soo horjeeda ku hadlaya waxaanu leenahay “iska hadloow ina Igare” – ” Qarankan cid wax yeelli karta iyo cid dhibaato u geysan kartaa ma jirto”
Guddoomiye Mukhtaar waxa uu meesha ka saaray jiritaanka qorshe xukuumadda Kulmiye ku doonayso muddo-dherersi, waxaanu faafinta fikrada noocaas ah ku tilmaamay dareen lagu jahawareerinayo shacbiga “meel Xukuumaddu ku sheegtay muddo korodhsiimo iyo meel xisbiga Kulmiye ku sheegay midna ma jirto, waxaasoo dhan wax lagu jaha-habaabinayaa shacbiga somaliland oo doorasho aan wakhtigeedii la gaadhin laga sii cabanayaa oo ay “leeyihiin maalin lagu dari maayo”
Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mukhtaar Axmed Cali waxa uu caddeeyey mawqifka furrida ururrada “Xisbiga Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in la furro ururrada, in dimuquraadiyada JSL korto, in muddada ururradu mar kasta oo ay gaadho la furro oo fursad la siiyo bulshada. sidaas awgeed waxa loo baahan yahay in aad u hogaansantaan shuruucda dalka”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Guddoomiye Mukhtaar ayaa ugu dambeyn ka hadlay qaylada laga muujiyey yeedhmada guddoomiye Xirsi ee laanta dambi baadhista, waxaanu falcelinta ka dhalatay ku sifeeyey mid looga faa’idaysanayo kursi hororsi.
waxaanu yidhi “waxa aad looga qaylinayey Xirsi ayaa dambi baadhista looga yeedhay. Xirsi basharkuu kamid yahay, Basharkuna macsuun maaha. “shacabka reer Somaliland way ka korreen oo cidna ka aqbali maayaan maanta siyaasi ku muusenaaba oo dantiisa ku gaadha iyo kursi qalaallaase uu ku koro”
Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Xisbiga Kulmiye, ayaa daba socda hadallo qalafsan oo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey madaxda xisbiga WADDANI oo ay ugu dambeeyeen Guddoomiyaha iyo murrashaxa xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaasoo ka sekow hadallada ay jeediyeen Magaalada Burco ku qabtay isu soo bax siyaasaddeed ololle u muuqda.

Leave a Reply