Raysal-wasaare Narendra Modi oo lagu Xannibay gobolka Punjab

0
609

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa muddo 20 daqiiqo ah ku xayiraa duleedka gobolka Punjab  ka dib markii ay wadooyinka xidheen dad mudaaharaadaya. Waxa kale oo la soo wariyey habacsanaan dhinaca Amaanka ah.

Mr Modi ayaa ku sii jeeday goob laguqabanayey  xasuus qaran oo ku taal gobolka waqooyi laakiin waxa wadada ay xidhay beeraley gadoodsan.

Beeralayda ayaa dalbanayey inuu iscasilo wasiir ka tirsan xukuumadda oo wiil uu dhalay lagu eedeeyay dhimashada dad beeralay ah.

“Tani waxay ahayd habacsanaan weyn oo ku timid ammaanka Ra’iisul Wasaaraha,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka.

Mr Modi ayaa sidoo kale lagu waday inuu khudbad ka jeediyo isu soo bax ka dhacayey magaalada Ferozepur, ka hor doorashada gobolka.

Balse wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in kolonyadii ra’iisul wasaaraha ay dib ugu laabteen garoonka sababo la xidhiidha habacsanaan dhanka ammaanka ah.

Dibad-baxayaashu waxay dalbanayeen inuu iscasilo wasiirka  Ajay Mishra, kaas oo wiilkiisa lagu eedeeyay dhacdo ay ku dhinteen siddeed qof bishii Oktoobar.

Baabuur lala xidhiidhinayo Mr Mishra ayaa jiidhay beeraley mudaaharaad ka dhigayay gobolka Uttar Pradesh, halkaas oo ay ku dhinteen afar nin. Beeraleyda ayaa ku andacoonaya in wiilka oo lagu magacaabo Ashish Mishra uu ka dambeeyay weerarka, balse Mishras ayaa beenisay eedeyntaasi.

Mr Modi ayaa subaxnimadii Arbacadii shalay soo gaadhay gegida diyaaradaha ee Bhatinda, waxaana la rabay inuu u duulo goobta lagu xusayo Shuhadada Qaranka, kadibna uu diyaarad helicopter ah ku tago isu soo baxa Ferozepur.

Laakin safarka waxaa dib u dhigay cimilo xumaatay. Balse,kolanyo uu la socday oo wadada marayey ayaa lagu xayiray meel 30km (18 mayl) u jirta goobtii xuska.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegtay in dowladda Punjab laga dalbaday warbixin tafatiran oo ku saabsan “Dhaqdhaqaaqa amni iyo habacsanaanta”.

“Sida nidaamku qabo, waxay ahayd in ay sameeyaan qabanqaabada lagama maarmaanka u ah amaanka iyo sidoo kale inay diyaariyaan qorshaha gurmadka,” ayaa lagu yidhi.

Leave a Reply